Jabuuti oo diyaarisay qorshe qaboojinaya xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Ergeyga ugu sarreeya Jabuuti ee Mareykanka ayaa waxa uu ku dhawaaqay qorshahan.

WASHINGTON, USA - Ergeyga ugu sarreeya Jabuuti ee Mareykanka ayaa sheegay in dalkiisu uu u fidiyay waddo xal looga gaaro xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Danjire Maxamed Siyaad Ducaalle ayaa sheegay in maamulka ka jira dalka Jabuuti uu ku rajo weyn yahay in dalabkaasi uu gacan ka geysto sidii loo qaboojin lahaa xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa.

Dalabka Jabuuti ayaa ah in Itoobiya ay adeegsato deked ay maamusho Jabuuti isla markaana ay taasi horseedi karto in ay dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaan isku filnaanto.

Waxay ku soo beegantay ka dib markii Itoobiya ay heshiis la gashay maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Somaliland oo Addis Ababa u oggolaaday inay marin ka helaan badda cas.

Tallaabadan ayaa ka careysiisay Muqdisho oo ku eedeysay Itoobiya inay ku xad-gudbeen madax-bannaanideeda taasoo abuurtay khilaaf u dhexeeya labada waddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM