Jabuuti oo diyaarisay qorshe qaboojinaya xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Ergeyga ugu sarreeya Jabuuti ee Mareykanka ayaa waxa uu ku dhawaaqay qorshahan.

WASHINGTON, USA - Ergeyga ugu sarreeya Jabuuti ee Mareykanka ayaa sheegay in dalkiisu uu u fidiyay waddo xal looga gaaro xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Danjire Maxamed Siyaad Ducaalle ayaa sheegay in maamulka ka jira dalka Jabuuti uu ku rajo weyn yahay in dalabkaasi uu gacan ka geysto sidii loo qaboojin lahaa xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa.

Dalabka Jabuuti ayaa ah in Itoobiya ay adeegsato deked ay maamusho Jabuuti isla markaana ay taasi horseedi karto in ay dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaan isku filnaanto.

Waxay ku soo beegantay ka dib markii Itoobiya ay heshiis la gashay maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Somaliland oo Addis Ababa u oggolaaday inay marin ka helaan badda cas.

Tallaabadan ayaa ka careysiisay Muqdisho oo ku eedeysay Itoobiya inay ku xad-gudbeen madax-bannaanideeda taasoo abuurtay khilaaf u dhexeeya labada waddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM