Jabuuti oo heshay xil-sare oo ku dhex-dhexaadiso Soomaaliya iyo Itoobiya

Image

ADDIS ABABA - Jabuuti ayaa bishan December la wareegaysa shir gudoonka guddoonka Gollaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika (PSC).

Gudiga waa hay'adda koowaad Ururka Midowga Afrika ee go'aan ka gaarista, ka hortagga, maaraynta, iyo xallinta isku colaadaha dalalka ay ka dacaan.

Jabuuti ayaa mas’uuliyaddan qaadaysa iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan mida u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo salka ku haysa heshiiska badda ee Abiy Axmed la galay Somaliland, oo ah gobol katirsan Soomaaliya oo aan aqoonsi caalami ah helin.

Heshiiska Itoobiya ay la gashay Somaliland waxa uu u ogolaanayaa in ay hesho deked istaraatiiji ah oo ku taal gacanka cadmeed. Soomaaliya, iyadoo u aragta arrintan daandaansi, waxay Itoobiya uga ashtakootay beesha caalamka.

Jabuuti oo mawqifkeeda istaraatiijiyadeed ee xiisadda cadeysay ayaa ku baaqday wadahadal, waxayna u baahan doontaa inay si taxadar leh u dhex gasho xiisadahaas, maadaama ay la wareegayso gudoonka Gollaha Amaanka iyo Nabada ee Midowga Afrika.

Marka laga soo tago xiisadaha gobolka, guddoonka ay la wareegayso Jabuuti ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo colaadaha ka socda Suudaan iyo Bariga Kongo, kuwaas oo walaac badan ku hayo Midowga Afrika.

Dadaalka Jabuuti ee lagu qaboojinayo xiisadda Geeska Afrika ayaa si gaar ah isha loogu hayn doonaa, gaar ahaan marka ay ka shaqaynayso dhexdhexaadinta, kadib mara ay la wareegto kursiga hoggaamiye ee gudiga gaarka Midowga Afrika u qaabilsan amniga iyo nabadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM