Kala bar guud ahaan wax soo saarka saliidda Liibiya oo hawada ka baxay

Image
Talaabadan ayaa waxay ka dambeysay kadib ismariwaaga siyaasadeed ee kooxaha isku haysta dalkaasi.

NAIROBI, Kenya - In ka badan kala bar guud ahaan wax soo saarka saliidda Liibiya ayaa hawada ka baxay xilli dhoofinta Saliidda Liibiya ay hakad geliyeen dalalka Carabta la hakiyay.

Talaabadan ayaa waxay ka dambeysay kadib ismariwaaga siyaasadeed ee kooxaha isku haysta dalkaasi.

In ka badan 700,000 oo fuusto ah oo ah wax soo saarka maalin laha ah ee Saliidda Liibiya, ayaa in ka badan kala bar la joojiyey iibgeyntiisa iyadda oo kamid ah dekedaha kuyaal Waqooyiga Africa ay waxay joojiyeen in dhoofinteeda.

Tallaabadaani ayaa waxay waxyeelayn doontaa 4 sano oo xaaladda ammaan ee Liibiya soo hagaagaysay inkastoo aysan jirin dowlad heshiis lagu yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM