Kenya Airways oo garoonka Muqdisho uga guureysa suuq xumo soo wajahdey

Image
Cabashada Kenya Airways ayaa sidoo kale ah in yar tahay iibsashada tikidhka.

NAIROBI, Kenya - Diyaaradda Kenya ayaa joojinaysa duulimaadyada rakaabka ee Muqdisho laga bilaabo 14-ka Octobar “caqabado dhanka shaqada ah awgeed”.

Shirkaddu waxay sheegtay in go'aanka la qaatay ka dib "falanqeyn taxadir leh iyo tixgelin iyadoo la eegayo danta ugu wanaagsan ee shirkadda diyaaradaha ee jawiga ganacsi ee jira."

Saraakiisha duulista Soomaaliya ayaa rumeysan in go’aankan uu shirkadda ku qasbey xaaladaha suuqa kadib tartan adag oo uga yimid dhowr shirkadood oo qiimo jaban ah, oo shirkad diyaaradeed oo Soomaali ah oo isku waddo ah.

Shirkadaha diyaaradaha ee Soomaalida ayaa lacago jaban ku bixiya tikidhka. Sidoo kale, waxaanan jirin ciqaab ka dhalata baajinta duulimaadyadda. Cabashada Kenya Airways ayaa sidoo kale ah in yar tahay iibsashada tikidhka.

EgyptAir oo bishi July duulimaadkeeda bilowday Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in ay soo jiidaneyso macaamiil aad u badan, waxaana laga yaabaa in ay kordhiso duullimaadyada labada jeer todobaadkii.

Turkish Airlines, iyo Qatar Airways ayaa sidoo kale waxay tartan adag la galeen Kenya Airways iyaga oo horeba saami aad u wayn ku lahaayeen Soomaaliya; sidoo kale Ethiopian Airlines ayaa tartanka suuqa weyn ku leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM