Kenya Airways oo garoonka Muqdisho uga guureysa suuq xumo soo wajahdey

Image
Cabashada Kenya Airways ayaa sidoo kale ah in yar tahay iibsashada tikidhka.

NAIROBI, Kenya - Diyaaradda Kenya ayaa joojinaysa duulimaadyada rakaabka ee Muqdisho laga bilaabo 14-ka Octobar “caqabado dhanka shaqada ah awgeed”.

Shirkaddu waxay sheegtay in go'aanka la qaatay ka dib "falanqeyn taxadir leh iyo tixgelin iyadoo la eegayo danta ugu wanaagsan ee shirkadda diyaaradaha ee jawiga ganacsi ee jira."

Saraakiisha duulista Soomaaliya ayaa rumeysan in go’aankan uu shirkadda ku qasbey xaaladaha suuqa kadib tartan adag oo uga yimid dhowr shirkadood oo qiimo jaban ah, oo shirkad diyaaradeed oo Soomaali ah oo isku waddo ah.

Shirkadaha diyaaradaha ee Soomaalida ayaa lacago jaban ku bixiya tikidhka. Sidoo kale, waxaanan jirin ciqaab ka dhalata baajinta duulimaadyadda. Cabashada Kenya Airways ayaa sidoo kale ah in yar tahay iibsashada tikidhka.

EgyptAir oo bishi July duulimaadkeeda bilowday Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in ay soo jiidaneyso macaamiil aad u badan, waxaana laga yaabaa in ay kordhiso duullimaadyada labada jeer todobaadkii.

Turkish Airlines, iyo Qatar Airways ayaa sidoo kale waxay tartan adag la galeen Kenya Airways iyaga oo horeba saami aad u wayn ku lahaayeen Soomaaliya; sidoo kale Ethiopian Airlines ayaa tartanka suuqa weyn ku leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM