Kenya: Cabsi xoog leh oo soo wajahday Soomaalida ku nool Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya - Waxaa xaafadda Islii ka dhacay banaanbax cadaalad loogu dalbayay saddex dumar ah, oo Todobaadkan la dilay, kadibna meydadkooda meelo kala duwan dalka Kenya laga helay, iyadoo dhacdadan argagax iyo cabsi ku beertay dadka Soomaalida ah.

Waris Daa'uud oo 36 jir ahayd, gabadheeda Aamina Cabdirashiid (21 jir), iyo Nuseyba Daahir (12 jir) oo ay eedo/habaryar u ahayd ayaa dhammaantood si arxan darro ah loo dilay, waxaana illaa hadda la ogeyn cida dishay iyo sababta.

Meydka Waris oo la jarjaray, ayaa laga helay degaanka Majaakos, Amiina ayaa Meydkeeda laga helay Parklands, iyadoo Nuseyba laga helay meydkeeda Buruburu.

Xildhibaan Yuusuf Xaaji iyo Mas'uuliyiinta kale ee xaafadda Islii ayaa cambaareeyay falkan dilka ah, iyagoo ugu baaqey dowladda Kenya inay si deg deg ah usoo qabato, islamarkaana cadaaladda horkeento dembiiliyaasha.

Goobaha Ganacsiga ayaa xirnaa Maanta magaaladda Nairobi qeybo kamid ah, gaar ahaan Suuqa Islii, oo banaanbaxa uu ka dhacay. Wali dowladda Kenya kama hadlin arintan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM