Kenya iyo Ethiopia oo galay heshiis aan DFS ku jirin oo ku saabsan Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA - Waxay labada Ciidan ee Kenya iyo Itoobiya iska kaashan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sida lagu sheegay shir ka dhacay Addis Ababab dhawaan, kaasoo dowladda Soomaaliya cidna uga qeybgalin.

Birhanu Jula, taliyaha Ciidanka Itoobiya ayaa arinta kala hadlay dhigiisa Kenya General Charles Kahariri, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo aadan ay galaan heshiis amniga labada dal iska kaashan doonaan, iyadoo ujeedka uu yahay kahor taga khataraha Al-Shabaab.

Waxaa la filayaa inay howlgallo wadajir ah labada Ciidan ee Itoobiya iyo Kenya ka fuliyaan xadka ay wadaagaan, iyadoo gudaha Soomaaliya xitaa ka dhici karo howlgalkooda marka khatar ka dareemaan.

Itoobiya ayaa khilaaf kala dhaxeeyaa xiligan dowladda Soomaaliya, kaasoo salka ku haya heshiiskii badda Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi ku gaareen Addis Ababa 1-dii January 2024, kaasoo kiciyay xiisad diblomaasi oo laga dareemay gobolka Geeska Afrika.

Kenya waxay kamid tahay dalalka Ciidanka ka joogo Soomaaliya, waxayna askarteeda qaabilsan yihiin qeybta ATMIS ee Jubaland, iyagoo hadda qaarkood dalka ka baxay, kuwana wali ay joogaan, si ay ugu biiraan howlka cusub ee AUSSOM oo sanadka 2025 billaaban doono.

Itoobiya ayaa loo qabtay illaa December 31 sanadkan inay Ciidankeeda uga saarto dalka Soomaaliya, waxaana sida muuqata go'aankaas Villa Somalia noqon doonaa mid aan la fulin, sababtoo ah Itoobiya hadda ayayba askar horleh dalka soo gelisay, oo la wareegay Garoomada diyaaradaha Gedo.

Xasan Sheekh ayaa August sanadkan heshiis lasoo galay Al-Siis, kaasoo Masar Ciidan ku keenayso Soomaaliya, kuwaasoo lagu qiyaasay illaa 10,000 oo askari, waxaana sida qorshuhu yahay bedeli doonaan Ciidamada Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM