Kenya oo ciidamo horleh ku daabushay xuduudka Soomaaliya

Image
Talaabadan ayaa waxaa loo aaneynayaa xiisada siyaasadeed ee kasoo cusboonatay aaggaas.

NAIROBI, Kenya - Kenya ayaa xoojisay ammaanka xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, kaddib markii ay rabshado ka dhaceen deegaanka Raaskambooni kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland.

Saraakiisha dhanka ammaanka Kenya oo u waramay warbaahinta maxaliga ah ayaa walaac ka muujiyay xiisadaha sii xoogeysanaya iyo suurtagalnimada xasillooni darro hor leh.

Wargeyska The Nation ee ka soo baxa dalka Kenya, ayaa Jimcihii qoray in ku dhawaad ​​600 oo Askari oo ka tirsan Ciiddanka Qaranka Soomaaliya ay u baxsadeen Degmadda Lamu ee dalka Kenya, ka dib markii ay Ciiddanka Jubbaland cagta mariyeen fariisimihii ay ku sugnaayeen, isla markaana dab qabadsiiyeen Xeradaasi.

Raaskambooni waa aag ganacsiga iyo taariikhdeeda oo saldhig u ahayd kooxo ay ka mid tahay Al-Shabaab, waxayna leedahay muhiimadda juquraafi siyaasadeed ahaan.

Iska horimaadka dhacay ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqay loolan ballaaran oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, iyadoo eedeymahaasina ay sii kordhinayaan khilaafka.

Saraakiisha dowladda Federaalka ayaa ku eedeeyay ciidamada Jubbaland in ay gacan saar la lahaayeen Al-Shabaab intii uu socday howlgalka, iyadoo madaxda Jubbaland ay si adag u beeniyeen warkaas.

Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah oo kuwa ammaanka ah geysay aagagga xuduudka si ay uga hortagaan rabshado dhaca waxna looga qabto xasillooni darrada sii kordhaysa ee gobolka.

Dhanka kale, Soo celinta askarta xoogga Soomaaliyeed ayaa waxaa la filayaa maalmaha soo socda iyadoo Kenya ay dadaal ugu jirto sidii ay u yarayn lahayd dhibaatada iskuna soo dhaweyn lahayd labada dhinac ee gacan ka hadalku dhexmaray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM