Kenya oo faa'ido badan ka heshay ganacsiga Soomaaliya 2024

Image

Kampala, Uganda – Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay ka iibsatay dalkiisa badeecooyin qiimahoodu gaarayo $38 milyan inta lagu guda jiray sagaalkii bilood ee ugu horreeyay ee sanadkii 2024, arrintan oo timid kadib markii Soomaaliya ay ku biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) sannadkii hore.

Hadalkan ayaa la shaaciyay kaddib wada-hadallo uu Madaxweyne Ruto la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, intii lagu jiray shirka Horumarinta Beeraha ee Qaaradda Afrika (CAADP) oo ka dhacay magaalada Kampala, Uganda.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in ganacsiga sii kordhaya ee labada dal uu yahay caddeyn muuqata oo ka tarjumaysa faa’iidada ku biirista Soomaaliya ee EAC, isla markaana ay ku dhiirrigelinayso iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka.

“Iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya wuxuu muujinayaa sida ganacsiga gobolka uu uga faa’iideyn karo dalalka xubnaha ka ah EAC, iyadoo si gaar ah kor loogu qaadayo isku xirnaanta dhaqaale,” ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhankiisa tilmaamay in iskaashiga noocan ah uu fure u yahay kor u qaadidda dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka deriska.

Wuxuu xusay in ku biirista EAC ay Soomaaliya siineyso fursado badan oo ay ku kobcin karto kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta ganacsiga.

Kulanka CAADP ayaa si gaar ah diiradda u saaray muhiimadda ay leedahay horumarinta beeraha iyo sidii dalalka Afrika ay uga wada shaqeyn lahaayeen xaqiijinta amniga cuntada iyo kobcinta dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM