Kenya oo fashilisay afduub laga soo qorsheeyay Soomaaliya

Image

MANDERA, Kenya - Ciidamada Booliska ee Mandera ayaa gacanta ku haya laba qof oo lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen qorshe lagu soo afduubi lahaa muwaadiniin shisheeye ah oo ka shaqeynayay mashruuc dowladda kawado Bariga magaaladda Mandera.

Labada qof ee la xiray, sida uu sheegay Taliyaha Qaybta Dembiyada ee Mandera, Pius Gitari, ayaa lagu tuhmayaa inay isku xireen hawlgallada argagixisada ee ka socda gobolka, gaar ahaan Mandera.

“Waxaan haynaa laba qof oo lala xiriirinayo isku dubaridka hawlgallada argagixisada ee al-Shabaab ee ka socda Mandera. Waxa aan ku jirnaa baaritaan ka hor inta aan u soo gudbin maxkamad,” ayuu Gitari sheegay isagoo telefoonka kula hadlay warbaahinta.

Laba eedeysane oo lagu magacaabo Isaaq Abdi Mohamed iyo Noor Yakub Ali ayaa lagu hayaa Saldhigga Booliska Mandera, iyadoo ay gacanta ku hayaan Ciidanka La-dagaalanka Argagixisada ee ATPU.

Abdi ayaa la sheegay inuu dhawaan galay Kenya, isagoo si been abuur ah u helay dukumiintiyo aqoonsi ID oo u suurto geliyay inuu si xor ah ugu socdo gudaha dalka.

“Isaaq Abdi Mohamed, oo lagu qiyaaso inuu yahay muwaadin Soomaali ah, ayaa dhawaan soo galay Kenya isagoo dalbaday kaarka aqoonsiga Kenya,” ayaa lagu sheegay warbixinta booliska.

Waxa kale oo lagu sheegay warbixinta: “Kadib markii la wareystay, wuxuu xaqiijiyay inuu ku jiray hawlgal uu ku afduubi lahaa dhakhaatiir iyo muwaadiniin Shiinees ah oo ku sugan Mandera. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu si dhow ula shaqeynayay qof Kenyan ah oo lagu magacaabo Noor Yakub Ali oo 29 jir ah, kaasoo sidoo kale lagu soo qabtay aagga Metamora ee gudaha Mandera.”

Abdi ayaa galay Kenya isagoo ka yimid El-Ade ee Gobolka Gedo, ee dalka Soomaaliya sida laga soo xigtay ilo amni.

Qorshihiisa ayaa la sheegay in Abdi uu lacag dhan 100,000 Shilling oo Kenyan ah siiyay qof ka mid ah dadka deegaanka Mandera si loo fududeeyo afduubka muwaadiniinta shisheeye ah ee ka shaqeynayay mashruuca biyo-xireenka ee Mandera, kaas oo ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Mashruuca Biyaha iyo Musqulaha ee Mandera, oo la bilaabay 2018, waxaa fulinaya shirkadda Sinohydro Corporation Limited oo ah shirkad Shiinaha u leedahay, waxaana dhagax dhigay dhawaan Madaxweyne Ruto oo gobolka booqasho ku tagey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM