Kenya oo ka jawaabtay eedeyn uga timid dowladda militeriga Sudan

Image

Nairobi — Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa Arbacadii sheegtay inay diyaar u tahay taageeridda dadaallada nabadeed ee Sudan, maalin kadib markii dowladda Khartoum ay ku eedeysay Nairobi inay ku xadgudubtay madax-bannaanideeda, kaddib martigelinta shir ay yeesheen hoggaamiyeyaasha kooxda Ciidamada Gurmadka Deg-degga (RSF) oo ka dhacay Nairobi.

Bayaan kasoo baxay dowladda Sudan ayaa lagu sheegay in martigelinta shirka Talaadadii ay “la mid tahay ficil cadowtooyo,” maadaama uu shirkaasi ka horreeyay qorshaha RSF ay ku shaacinayso dhismaha dowlad kale oo ay sameysaneyso.

Ku-xigeenka hoggaamiyaha RSF, Abdel-Rahim Hamdan Dagalo, ayaa hoggaaminayay wafdiga Sudan ee ka qeybgalay shirka ka dhacay xarunta Kenyatta International Conference Center (KICC) ee Nairobi, halkaas oo uu ku sheegay in Jimcaha lasoo saari doono war muhiim ah.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa xustay in waddanku martigeliyo qaxooti badan oo reer Sudan ah, islamarkaana uu leeyahay taariikh dhex-dhexaadin wadahadallo “aan dano gaar ah laga lahayn.”

Si kastaba ha ahaatee, Macharia Munene, oo ah professor ku takhasusay xiriirka caalamiga ah oo ka tirsan Jaamacadda United States International University-Africa, ayaa sheegay in Kenya ay halis ugu jirto go’doon caalami ah, isagoo tallaabada ay qaaday ku tilmaamay “khalad dhanka siyaasadda dibadda ah.”

Wuxuu xusay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya ay noqotay “mid hal qof maamulo,” isagoo tilmaamay in Madaxweyne William Ruto uu adeegsaday xiriirka dhow ee uu la leeyahay hoggaamiyaha RSF, Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti), iyadoon la tixgelin danaha qaran ee Kenya.

In kasta oo Hemedti uusan ka qeybgelin shirka Talaadadii, haddana wuxuu leeyahay xiriir dhow oo uu la wadaago Madaxweynaha Kenya, William Ruto, halka walaalkiis uu dhowr jeer la kulmay madaxweynaha.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada qalabka sida ee Sudan iyo xoogagga RSF ayaa sababay dhimashada in ka badan 24,000 oo qof, halka in ka badan 14 milyan—qiyaastii 30% shacabka—ay ku qasbanaadeen inay ka qaxaan guryahooda, sida uu sheegayo Qaramada Midoobay. Waxaa la qiyaasayaa in 3.2 milyan oo Sudanese ah ay u qaxeen dalalka deriska la ah.

Maamulka Sudan ayaa Talaadadii sheegay in weerarro ay RSF geysatay ay ku dhinteen in ka badan 400 oo shacab ah, oo ay ku jiraan carruur, kadib markii ciidamada sida militariga u tababaran uu “ka niyad jabay khasaarihii ba’naa” ee uu dagaalka kala kulmay ciidamada dowladda.

Haydar Abdul Karim, oo uu dhaqdhaqaaqa nabadda Sudan, sidoo kalena ah suxufi madax-bannaan oo haatan ku sugan Kenya, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in dowladaha gobolka aysan dhinac ka raacin dagaalka Sudan.

Wuxuu ugu baaqay waddamada gobolka inay ka fogaadaan taageeridda dhismaha dowlado ama isbaheysiyo cusub, islamarkaana ay diiradda saaraan cadaadis la saaro labada dhinac ee dagaallamaya si ay miiska wadahadalka u fariistaan, halkii la garab istaagi lahaa mid ka mid ah dhinacyada.

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM