Kenya oo ku dhow inay hesho 1.5 bilyan oo dollar dayn ah

Image
Lacagtan oo dulsaarkeedu yahay 8.2% ayaa waxaa bixinaya Imaaraadka Carabta.

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa ku dhow inay hesho 1.5 bilyan oo dollar oo dayn ah oo ka timid Imaaraadka Carabta iyadoo dulsaarkeedu yahay 8.2% taasoo ka caawin doonta in la soo afjaro farqiga dhaqaale ee dalka Bariga Afrika, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

"Kenya waxay kala duwanaysaa ilaheeda taageerada miisaaniyadeed," ayaa laga soo xigtey illo wareedka, isaga oo intaa ku daray "heshiiska waa sidii la sameeyay."

Wasaaradda maaliyadda ee Imaaraadka iyo bangiga dhexe ee Imaaraadku si degdeg ah ugamay jawaabin codsi ku saabsan arrintan.

Wasiirka Maaliyadda Kenya John Mbadi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda ayaanan weli wax war ah ka bixin.

Sarifka doollarka ee dalka ayaa kor u kacay warka ka dib, iyadoo qaan-gaarnimada 2048 uu kor u kacay ilaa 1.89 senti oo lagu kala iibsanayo 84.3 senti dollarka, xogta Tradeweb ayaa muujisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM