Koonfur Afrika: Nin lagu helay 90 kiis kufsi ah oo xukun adag lagu riday

Image
Nkosinathi Phakathi ayaa falalkan geystay intii u dhaxaysay 2012 iyo 2021.

NAIROBI, Kenya - Nin gudaha dalka Koonfur Afrika caruur da’doodu ka yar tahay sagaal sano ugu geystay kufsi ayaa lagu xukumay 42 xabsi daa’im ah.

Nkosinathi Phakathi ayaa lagu helay 90 dacwadood oo kufsi ah – waana weeraro dhanka jinsiga ah oo uu geystay intii u dhaxaysay 2012 iyo 2021.

40-jirkan ayaa mararka qaar ka dhigi jiray caruur daawado isaga oo kufsanaya dhibanayaashiisa, waxa uuna sidoo kale ku qasbay wiilal yar yar in ay kufsadaan dumarka saaxiibadood ah, ayay tiri Xeer ilaalinta Qaranka Koonfur Afrika (NPA).

Dembiyada Phakathi ayaa ka dhacay gudaha ama agagaarka Ekurhuleni, oo ah degmo bari ka xigta magaalada Johannesburg.

Jimcihii, maxkamadda sare ee Johannesburg ayaa dhageysatay in Phakathi lagu xukumay 42 xabsi daa’im ah oo lagu soo eedeeyay eedeymo ay ka mid yihiin kufsi, afduub, xatooyo iyo weerar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM