Macalinkii loogu jeclaa Koonfur Afrika oo ku dhintay 85-sano jir

Image
Smith ayaa mudo sanado ah waxa uu daadihinayey barnaamij wax barasho oo ka baxayay warbaahinta dowlada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dadka Koonfur Afrika ayaa abaal-marin u siinaya “macalinkooda ay ugu jecel yihiin”, William Smith, kaasoo ku dhintay da'da 85.

Macallinkii xisaabta iyo sayniska ayaa geeriyoodey subaxnimadii Arbacada ka dib muddo gaaban oo uu la dagaalamay kansarka, sidda ay sheegeen qoyskiisa.

Smith ayaa mudo sanado ah waxa uu daadihinayey barnaamij wax barasho oo ka baxayay warbaahinta dowlada ee SABC kaas oo la sheegay in uu taabtay quluubta dad badan oo Koonfur Afrikaan ah.

Waxa uu ku helay abaal-marinno badan oo noloshiisa ah oo ku saabsan hal-abuurnimada waxbarashada, oo ay ku jirto abaal-marin heer qaran ah 2019-kii oo uu bixiyay Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo uu ka qayb qaatay “baritaanka iyo dhimista xisaabta iyo sayniska”.

Madaxweyne Ramaphosa ayaa Smith ku tilmaamay "macallimka loogu jecel yahay" uuna yahay "waxbarasho iyo astaan ​​dhaqameed oo qarankeena ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM