Macalinkii loogu jeclaa Koonfur Afrika oo ku dhintay 85-sano jir

Image
Smith ayaa mudo sanado ah waxa uu daadihinayey barnaamij wax barasho oo ka baxayay warbaahinta dowlada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dadka Koonfur Afrika ayaa abaal-marin u siinaya “macalinkooda ay ugu jecel yihiin”, William Smith, kaasoo ku dhintay da'da 85.

Macallinkii xisaabta iyo sayniska ayaa geeriyoodey subaxnimadii Arbacada ka dib muddo gaaban oo uu la dagaalamay kansarka, sidda ay sheegeen qoyskiisa.

Smith ayaa mudo sanado ah waxa uu daadihinayey barnaamij wax barasho oo ka baxayay warbaahinta dowlada ee SABC kaas oo la sheegay in uu taabtay quluubta dad badan oo Koonfur Afrikaan ah.

Waxa uu ku helay abaal-marinno badan oo noloshiisa ah oo ku saabsan hal-abuurnimada waxbarashada, oo ay ku jirto abaal-marin heer qaran ah 2019-kii oo uu bixiyay Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo uu ka qayb qaatay “baritaanka iyo dhimista xisaabta iyo sayniska”.

Madaxweyne Ramaphosa ayaa Smith ku tilmaamay "macallimka loogu jecel yahay" uuna yahay "waxbarasho iyo astaan ​​dhaqameed oo qarankeena ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM