Madaxweynaha Cameroon oo ugu dambeyn shaashadaha kasoo muuqdey

Image
Paul Biya oo 91 jir ah ayaa markii ugu horeysay lagu arkay meel fagaare ah muddo lix todobaad ah.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Cameroon Paul Biya oo 91 jir ah ayaa markii ugu horeysay lagu arkay meel fagaare ah muddo lix todobaad ah iyada oo la hadal hayo xaaladiisa caafimaad oo liidata.

Ka maqnaanshihiisa indhaha bulshada ayaa keentay warar aan sal iyo raad toona lahayn oo ku saabsan dhimashadiisa.

Laakin galabnimadii isniinta taleefishinka qaranka ayaa soo bandhigay muuqaalka madaxweynaha oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Yaoundé, isagoo ka duulaya Switzerland.

Dawladdu waxay ka mamnuucday warbaahinta inay ka hadlaan caafimaadka Biya - oo xukunka haysa tan iyo 1982 - iyada oo u kala saaraysa arrin ku saabsan amniga qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM