Madaxweynaha Kenya oo booqdey dal ay aafeeyeen colaado ballaaran

Image
Socdaalkan ayaa yimid maalin kaddib markii khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay uu digniin kasoo saarey waddankan.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ka degay caasimadda dalka Haiti si uu u qiimeeyo howlgallada ammaanka ee Kenya ay ka wado dalkan ku yaalla Kariibiyaanka.

Socdaalkan ayaa yimid maalin kaddib markii khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay uu ka digay in Haiti ay soo food saartay rabshado qoto dheer iyo ammaan darro.

War qoraal ah oo uu soo saaray Sabtidii, afhayeen u hadlay Ruto ayaa sheegay in hoggaamiyaha Kenya uu "booqan doono oo uu ammaani doono ciidamada Kenya ee ka barbar shaqeeya dhiggooda Haiti".

Ruto waxa kale oo uu qorsheeyay in uu la kulmo golaha madaxtooyada ku meel gaarka ah ee Haiti iyo masuuliyiin kale, Xuseen Maxamed ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Booqashada Port-au-Prince ayaa ku soo beegantay saddex bilood ka dib markii saraakiishii ugu horeysay ee Kenyan ah ay gaareen Haiti, iyagoo qeyb ka ah howlgalka Qaramada Midoobay ay taageerto, oo caalami ah, kaas oo looga gol leeyahay in lagula tacaalo kororka rabshadaha kooxaha gaangiska ah.

Haiti waxa ay la soo laabatay sanado badan oo rabshado ah iyada oo kooxaha hubaysan – oo inta badan xidhiidh la leh hogaamiyayaasha siyaasadda iyo ganacsiga ee dalka – ay u xusul-duubteen saamayn iyo gacan ku haynta dhulka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM