Madaxweynaha Liberia oo mushaharkiisa iska dhimay 40%

Image
Ku dhawaad ​​shantii qofba mid ayaa ku nool wax ka yar $2 (£1.70) maalintii dalkan ku yaalla Galbeedka Afrika.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha waddanka Liberia Joseph Boakai ayaa ku dhawaaqay inuu dhimi doono 40% mushaarkiisa, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Xafiiskiisu waxa uu sheegay in uu rajaynayo in uu dajiyo tix-raac ku saabsan “dawlad masuuliyadeed leh” oo uu muujiyo “midnimadda” Liberian-ka.

Mushaarka dowladda ayaa dhawaanahan si weyn isha loogu hayay iyadoo dadka reer Liberia ay ka cabanayaan sare u kaca maciishada.

Ku dhawaad ​​shantii qofba mid ayaa ku nool wax ka yar $2 (£1.70) maalintii dalkan ku yaalla Galbeedka Afrika.

Mr Boakai ayaa shaaca ka qaaday bishii Febraayo in mushaarkiisa sanadlaha ah uu ahaa $13,400. Balse wuxuu hoos ugu dhigay $8,000.

Talaabada uu qaaday Mr Boakai ayaa la mid ah tii Madaxweynihii isaga ka horeeyay ee George Weah oo 25% ka jaray mushaarkii uu qaadan jiray.

Qaar ka mid ah dadka ku nool waddanka Galbeedka Afrika ayaa soo dhaweeyay go'aanka Mr Boakai. Miisaaniyada xafiiska madaxtooyadu sanadkan waa ku dhawaad ​​$3 milyan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM