Madaxweynaha Liberia oo mushaharkiisa iska dhimay 40%

Image
Ku dhawaad ​​shantii qofba mid ayaa ku nool wax ka yar $2 (£1.70) maalintii dalkan ku yaalla Galbeedka Afrika.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha waddanka Liberia Joseph Boakai ayaa ku dhawaaqay inuu dhimi doono 40% mushaarkiisa, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Xafiiskiisu waxa uu sheegay in uu rajaynayo in uu dajiyo tix-raac ku saabsan “dawlad masuuliyadeed leh” oo uu muujiyo “midnimadda” Liberian-ka.

Mushaarka dowladda ayaa dhawaanahan si weyn isha loogu hayay iyadoo dadka reer Liberia ay ka cabanayaan sare u kaca maciishada.

Ku dhawaad ​​shantii qofba mid ayaa ku nool wax ka yar $2 (£1.70) maalintii dalkan ku yaalla Galbeedka Afrika.

Mr Boakai ayaa shaaca ka qaaday bishii Febraayo in mushaarkiisa sanadlaha ah uu ahaa $13,400. Balse wuxuu hoos ugu dhigay $8,000.

Talaabada uu qaaday Mr Boakai ayaa la mid ah tii Madaxweynihii isaga ka horeeyay ee George Weah oo 25% ka jaray mushaarkii uu qaadan jiray.

Qaar ka mid ah dadka ku nool waddanka Galbeedka Afrika ayaa soo dhaweeyay go'aanka Mr Boakai. Miisaaniyada xafiiska madaxtooyadu sanadkan waa ku dhawaad ​​$3 milyan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM