Malawi: Aaska madaxwayne ku xigeen oo dhimasho horleh sababtay

Image

NAIROBI, Kenya - Afar qof oo ay ku jirto haweeney uur leh ayaa dhintay kadib markii gaarigii ay la socdeen uu darawalka isku dayay inuu ka fogaado kolonyada waday meydka madaxweyne ku xigeenka Malawi, Saulos Chilima, uu ku dhacay dad u baroor diiqayay mas'uulkan geeriyoodey, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Sidoo kale, ku dhowaad 12 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilkaasi oo dhacay habeenimadii Axadda, waxaana dhamaantooda lagu daweynayaa isbitaal ku yaala caasimadda.

Shilkan ayaa daba socday isku dhacyo dhex maray dadka deegaanka, booliiska iyo askartii galbinaysay kolonyada aaska madaxweyne ku xigeenka oo ka soo ambabaxay caasimadda Lilongwe, una socday tuulada uu ka soo jeedo si loogu aaso.

Mr Chilima ayaa ku dhintay shil diyaaradeed toddobaad ka hor, waxaana Isniintii lagu aasay degmada uu ka soo jeedo ee Ntcheu, oo qiyaastii 180 km (112 mayl) koonfur ka xigta caasimadda.

Intii ay socotay aaska, qaar ka mid ah dadkii baroor-diiqda qeybta ka ahaa ahaa ayaa qaaday heeso ay ku dhaleeceeyeen madaxweynaha haatan xilka haya ee Lazarus Chakwera.

Shilkan baabuur ayaa dhacay habeenimadii Axadda, iyadoo kumannaan qof ay isugu soo baxeen waddooyinka si ay u arkaan naxashka meydka madaxwayne ku xigeenka oo loo waday aaska. Muuqaallo ku faafay internet-ka ayaa la arkayay shacabka oo ku qaylinaya erayo ay ugu duceynayaan Saulos Chilima iyo qoyskiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM