Mareykanka oo Joojiyay Fiisayaashii Koofurta Suudaan – Sabab?

Image

Garowe Online – Dowladda Mareykanka ayaa Sabtidii shaacisay in ay ka laabatay dhammaan fiisayaashii ay haysteen dadka wata baasaboorka Koofurta Suudaan, kaddib markii dalkaasi diideyinuu aqbalo muwaadiniintiisa loo soo celinayo.

Qoraal uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa lagu sheegay in Koofurta Suudaan aysan ixtiraamin mabda’a caalamiga ah ee ah in dowlad kasta ay waajib ku tahay inay si degdeg ah u aqbasho muwaadiniinteeda marka dal kale doonayo in uu dib ugu celiyo.

“Laga bilaabo hadda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay tallaabo degdeg ah ka qaadeysaa dhammaan fiisayaashii ay haysteen dadka wata baasaboorka Koofurta Suudaan, iyadoo sidoo kale la joojinayo bixinta fiisayaal cusub si looga hortago inay gudaha u soo galaan Mareykanka,” ayuu yiri Rubio.

“Waxaan diyaar u nahay inaan dib u eegno go’aankaan marka Koofurta Suudaan si buuxda ula shaqeyso Mareykanka,” ayuu sii raaciyay.

Tallaabo ugub ah

Go’aankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee si gaar ah loogu beegsado dhammaan muwaadiniinta wata baasaboorka waddan gaar ah, tan iyo markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu mar labaad xafiiska la wareegay 20-kii Janaayo. Ololihiisa doorasho wuxuu xoogga saarayay ka hortagga socdaalka sharci darrada ah.

Koofurta Suudaan, oo ah waddanka ugu da’da yar caalamka, sidoo kalena ka mid ah kuwa ugu saboolsan, ayaa xilligan wajahaya xiisado siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha dalkaas.

Dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa ka digaya suurtagalnimada in dagaalkii sokeeye ee dalku uu dib u qarxo – dagaal horay u sababay dhimashada 400,000 oo qof intii u dhexeysay 2013 illaa 2018.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM