Mareykanka oo masaafurinaya safiirka Koonfur Afrika ee Washington

Image

Washington, D.C. – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay masaafurinayso safiirka Koonfur Afrika u fadhiya Washington, iyada oo Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, uu sheegay in Ebrahim Rasool “uusan mar dambe kusoo dhaweyn karin dalkeena weyn”.

Bayaan uu ku qoray bartiisa X, Rubio wuxuu ku eedeeyay Rasool in uu neceb yahay Mareykanka iyo madaxweynaha dalka, Donald Trump, isaga oo ku tilmaamay “siyaasi abuuraya xiisado qowmiyadeed.”

Madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa Sabtidii ku tilmaantay go’aankan mid “nasiib darro ah,” iyaga oo intaas ku daray in dalkooda uu ka go’an yahay xoojinta xiriir faa’iido wadaag ah oo ay la yeeshaan Mareykanka.

Xiisadaha sii kordhaya ee Mareykanka iyo Koonfur Afrika

Mareykanka oo si dhif ah u masaafuriya safiirro sare ayaa tallaabadan uga jawaabay hadallo uu Rasool ka jeediyay kulan online ah oo uu kaga hadlayey siyaasadda Trump.

Jimcihii, Rubio ayaa bartiisa X ku xusay maqaal ay qortay warbaahinta midigta-fog ee Breitbart, kaas oo soo xigtay hadallo uu Rasool ka yiri maamulka Trump.

“Donald Trump wuxuu qaaday weerar ka dhan ah madaxda xilalka haya, isaga oo adeegsanaya dhaqdhaqaaq supremacist ah oo lagu beegsanayo kuwa haya awoodda, gudaha Mareykanka iyo dibaddaba,” ayuu Rasool ka yiri kulankaas.

Wuxuu intaas ku daray in dhaqdhaqaaqa MAGA uu jawaab u yahay “xog cad oo muujinaysa isbeddelka demografiga Mareykanka, taas oo saadaalisay in cod-bixiyeyaasha caddaanka ahi hoos u dhici doonaan ilaa 48%.”

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Koonfur Afrika

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka labada dal uu sii xumaanayay tan iyo markii Trump uu xilka qabtay. Bishii hore, madaxweynaha Mareykanka wuxuu saxiixay amar madaxweyne oo hakiyay dhammaan kaalmooyinkii uu Mareykanka siin jiray Koonfur Afrika.

Amarkaasi wuxuu ku andacoonayaa in Koonfur Afrika ay “samaynayso ficillo xadgudub ah,” isaga oo gaar ahaan xusay “midab-kala-sooc aan cadaalad ahayn” oo lagula dhaqmo qowmiyadda Afrikaners – dad ka soo jeeda gumeystayaashii Dutch.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa si joogto ah u beenisay eedeymahaas.

Sidoo kale, Mareykanka wuxuu si gaar ah u weeraray sharciga cusub ee Expropriation Act, kaas oo, sida ay sheegtay dowladda Mareykanka, loogu talagalay in lagula wareego dhul ay leeyihiin Afrikaners.

“Inta Koonfur Afrika ay taageerayso shakhsiyaadka xun ee caalamka iyo inta ay oggolaanayso weerarro lagu hayo beeraleyda laga tirada badan yahay, Mareykanka wuxuu joojin doonaa dhammaan kaalmooyinkii uu siin jiray dalkaasi,” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay Aqalka Cad.

Masafurinta safiirka: tallaabo aan caadi ahayn

In kasta oo mararka qaar diblomaasiyiin hoose la masaafuriyo, haddana waa mid aan caadi ahayn in Mareykanka uu si rasmi ah u masaafuriyo safiir heer sare ah sida Rasool, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press. Xitaa xilligii dagaalkii qaboobaa, Mareykanka iyo Ruushka ma aysan qaadin tallaabo tan la mid ah oo lagu masaafurinayo safiir sare.

Ebrahim Rasool ayaa hore u soo noqday safiirka Koonfur Afrika ee Mareykanka intii u dhaxaysay 2010–2015, ka hor inta aan dib loogu magacaabin xilkan sannadkan 2025.

Wuxuu ku dhashay Cape Town, wuxuuna la kulmay midab-takoor markii uu sagaal jir ahaa, markaas oo isaga iyo qoyskiisa laga saaray guri loogu talagalay dadka caddaanka ah. Wuxuu sheegay in dhacdadaas ay gundhig u noqotay rabitaankiisa siyaasadeed iyo fikirkiisa ku aaddan caddaaladda bulshada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM