Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Image
DAARU-SALAAM – Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, ayaa sheegay in dalkiisu uu doonayo inuu Tanzania ka hirgeliyo mashaariic dib-u-habeyn iyo beeris dhul-beereed ah, isla markaana uu ka qayb qaato horumarinta dekedaha iyo xarumaha saadka, isagoo sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga dalalka ku bahoobay Webiga Nile.

Al-Sisi ayaa hadalkan sheegay Sabtidii intii uu booqasho ku joogay magaalada Daaru-Salaam, halkaas oo uu wada-hadallo kula yeeshay Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan.

Labada hoggaamiye ayaa goob joog ka ahaa saxiixa laba is-afgarad oo ku saabsan gaadiidka, korontada iyo tamarta la cusboonaysiin karo, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Masar.

Al-Sisi ayaa sheegay in Masar iyo Tanzania ay ka wada hadleen mashruuc dib loogu soo nooleynayo dhul-beereed si loo xoojiyo sugnaanta cuntada ee labada dal, loona daboolo baahida dalagyada istiraatiijiga ah, iyadoo qorshuhu yahay in mustaqbalka wax-soo-saarka loo dhoofiyo suuqyada dibadda.

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam, isla markaana uu soo jeediyay in la sameeyo khad maraakiib oo isku xira dekedda Safaga ee Masar iyo Dekedda Daaru-Salaam.

Waxa uu intaa ku daray in labada dhinac ay ka wada hadleen dhismaha marin isku xira Qaahira iyo Daaru-Salaam oo ka koobnaan doona dekedo, waddooyin, tareenno iyo xarumo saadka, si loo fududeeyo ganacsiga iyo isu-socodka badeecadaha.

Al-Sisi ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo is-fahamka iyo wada-shaqeynta u dhexeysa dalalka wadaaga Webiga Nile, xilli arrimaha maamulka biyaha webigaasi ay weli yihiin mawduuc xasaasi ah oo gobolka ka taagan.

Dhankeeda, Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan ayaa ku ammaantay Masar doorkeeda ku aaddan dhismaha Mashruuca Korontada ee Julius Nyerere, kaas oo leh awood soo saar oo gaareysa 2,115 megawatt.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka qeyb galay madal ganacsi oo ay isugu yimaadeen in ka badan 35 ganacsade oo Masri ah iyo 120 ganacsade oo Tanzaaniyaan ah, iyadoo Al-Sisi uu sheegay in kulamadu ay dhaliyeen natiijooyin wax ku ool ah oo ku saabsan ganacsiga iyo maalgashiga.

Sida ay muujinayaan tirakoobyada rasmiga ah ee Masar, ganacsiga labada dal ayaa gaaray $12.3 milyan rubucii hore ee sannadka 2026, halka dhoofinta Masar ee Tanzania ay korortay boqolkiiba 3.2.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles