Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay
QAHAIRA, Masar — Masar ayaa diblomaasi Itoobiyaan ah ku dhawaaqday inuu yahay persona non grata, iyadoo siisay 48 saacadood inuu dalka kaga baxo, tallaabadaas oo jawaab u ah go’aan Itoobiya ay diblomaasi Masri ah uga saartay dalkeeda.
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Masar, MENA, ayaa Khamiistii werisay in tallaabada Qaahira lagu qaaday mabda’a is-dhaafsiga tallaabooyinka diblomaasiyadeed.
Sarkaal sare oo Masri ah ayaa MENA u sheegay in Qaahira ay ka xun tahay go’aankii Itoobiya ay diblomaasi ka tirsan Safaaradda Masar ee Addis Ababa ugu aqoonsatay persona non grata.
Sarkaalka ayaa sheegay in Masar ay si adag uga soo horjeeddo faragelinta lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalalka kale, ayna muddo dheer ilaalinaysay siyaasad ah in aysan ka hadlin arrimaha gudaha ee Itoobiya iyo dalal kale, iyadoo taas ku salaynaysa sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Iyadoo adeegsanaysa mabda’a is-dhaafsiga, Masar ayaa diblomaasi ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee Qaahira ku dhawaaqday inuu yahay qof aan dalka looga baahnayn, waxaana lagu amray inuu dalka kaga baxo 48 saacadood gudahood. MENA waxay diblomaasiga ku sheegtay Egazi Emelo Borougi, oo ah la-taliye safaaradda.
Sarkaalka Masar ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeeyay inay dhibaatooyinka ka dhasha maamulkeeda gudaha iyo qalalaasaha soo noqnoqda ku micnaysato faragelin shisheeye.
Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa labada dal ayaa soo xoogeysanaysa xilli Itoobiya ay horey u amartay in la xiro Safaaraddeeda ku taalla caasimadda Eritrea ee Asmara, iyadoo sidoo kale 10 diblomaasi oo Eritrean ah oo ka howlgala Addis Ababa ku dhawaaqday inay yihiin persona non grata.
Itoobiya ayaa sidoo kale tallaabo ka dhan ah Masar qaaday, iyadoo diblomaasi ka tirsan Safaaradda Masar ee Addis Ababa ku dhawaaqday inuu yahay persona non grata, isla markaana siisay waqti uu dalka kaga baxo.
Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka, iyadoo Masar iyo Itoobiya ay horey u lahaayeen khilaafaadyo la xiriira arrimo ay ka mid yihiin Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD iyo arrimaha amniga gobolka.
GAROWE ONLINE