Masar oo mar kale shafka u garaacatay difaacida Soomaaliya

Image
Masar iyo Soomaaliya ayaa aad isugu soo dhawaaday bilihii ugu dambeeyay, iyadoo labada dal ay iska fogeeyeen Itoobiya.

QAAHIRA, Masar - Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa mar kale sheegay in Masar ay ka go’an tahay inay difaacdo Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee qaranka ay ku leeyihiin Jaamacadda Carabta, wuxuuna ka digay inaan cidna loo ogolaan doonin inay khatar ku noqoto madax banaanideeda.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha militari iyo kuwa siyaasadeed ee Geeska Afrika, iyadda oo ku lug lahaanshaha Masar ee ballaarinta ay dib u qaabaynayso dhaqdhaqaaqyada gobolka.

"Ma soo saarno hanjabaado, laakiin uma dulqaadan doono cid walba oo khatar ku ah Soomaaliya," el-Sisi ayaa yiri mar uu ka hadlayay telefishinka.

Waxa uu carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay hesho difaac wadareed sida ku cad Axdiga Jaamacadda Carabta, waxa uuna carabka ku adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay bixiso kaalmo hadii ay Soomaaliya codsato taageero si loo ilaaliyo qaranimadeeda.

Hadalka El-Sisi waxa uu daba socdaa hubkii labaad ee Masar ay u soo daabusho Soomaaliya muddo bil gudaheed ah, kaasi oo uu soo dhiibay Markab dagaal oo laga leeyahay Masar 23-kii September.

Shixnaddan oo sida la sheegay ay ku jiraan Qoryaha lidka Diyaaradaha iyo kuwa Madaafiicda ayaa tilmaamaya inay suuragal tahay inay sare u kacdo dhaq-dhaqaaqyada Milliteri ee Geeska Afrika.

Taageerada militari ee Masar ee sii kordheysa ee Soomaaliya ayaa walaac ku abuurtay qaar kamid ah wadamadda muruqweynta ah ee gobolka, gaar ahaan Itoobiya.

Masar iyo Soomaaliya ayaa aad isugu soo dhawaaday bilihii ugu dambeeyay, iyadoo labada dal ay iska fogeeyeen Itoobiya. Xiisadda Qaahira iyo Addis Ababa ayaa cirka isku sii shareertay, waxaana sabab u ah biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), oo Masar ay u aragto inuu khatar ku yahay biyaha dalkeeda.

Khilaafka ayaa weli ah mid aan la xalinin inkastoo dhowr wareeg oo gorgortan ah, oo ay ku jiraan wadahadalada uu Maraykanku dhexdhexaadinayo sanadka 2019-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM