Masar oo taageero horleh u goobaysa kamid noqoshada AUSSOM

Image
Madaxwayne El-Sisi ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhigiisa Mosevani si uu ugala hadlo qadiyadaha taagan.

QAAHIRA, Masar - Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah El-Sisi iyo dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni oo Jimcihii khadka telefoonka kuwada hadlay ayaa adkeeyay doorka muhiimka ah ee Howlgalka Midowga Afrika (AU) ee ku aaddan taageerada dowladda Soomaaliya, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Masar.

Wadaxaajoodkan ayaa labada hogaamiye waxay ku xaqiijiyeen in ay taageerayaan madax banaanida, madaxbanaanida, iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtey Madaxtooyadda Masar, labada madaxwayne ayaa sidoo kale waxay isku aragti ka noqdeen xasiloonida, ammaanka iyo waajibaadka howlgalka AUSSOM ee badali doona ATMIS.

Wadahadalka labada madaxwyne ayaa imaanaya xilli ay Masar taageero horleh u raadineyso in ay kamid noqoto howlgalka AUSSOM gaar ahaan dalalka Kenya iyo Uganda oo la sheegay in ay ka goos qabsadeen dhowr jeer.

27kii Diseembar, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa ansixiyay abuuritaanka Howlgalka Taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Ciidanka cusub ee nabad ilaalinta, oo lagu wado in la geeyo dabayaaqada bisha Janaayo, ayaa bedeli doona howlgalka Midowga Afrika ee Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ee ay Qaramada Midoobay taageerto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM