Masar oo taageero horleh u goobaysa kamid noqoshada AUSSOM

Image
Madaxwayne El-Sisi ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhigiisa Mosevani si uu ugala hadlo qadiyadaha taagan.

QAAHIRA, Masar - Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah El-Sisi iyo dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni oo Jimcihii khadka telefoonka kuwada hadlay ayaa adkeeyay doorka muhiimka ah ee Howlgalka Midowga Afrika (AU) ee ku aaddan taageerada dowladda Soomaaliya, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Masar.

Wadaxaajoodkan ayaa labada hogaamiye waxay ku xaqiijiyeen in ay taageerayaan madax banaanida, madaxbanaanida, iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtey Madaxtooyadda Masar, labada madaxwayne ayaa sidoo kale waxay isku aragti ka noqdeen xasiloonida, ammaanka iyo waajibaadka howlgalka AUSSOM ee badali doona ATMIS.

Wadahadalka labada madaxwyne ayaa imaanaya xilli ay Masar taageero horleh u raadineyso in ay kamid noqoto howlgalka AUSSOM gaar ahaan dalalka Kenya iyo Uganda oo la sheegay in ay ka goos qabsadeen dhowr jeer.

27kii Diseembar, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa ansixiyay abuuritaanka Howlgalka Taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Ciidanka cusub ee nabad ilaalinta, oo lagu wado in la geeyo dabayaaqada bisha Janaayo, ayaa bedeli doona howlgalka Midowga Afrika ee Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ee ay Qaramada Midoobay taageerto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM