Milateriga Cameroon oo soo furtey 300 rayid ay afduubatay Boko Haram

Image
Dalalka Cameroon, Chad iyo Nigeria ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Boko Haram ay dib usoo laabanayaan.

NAIROBI, Kenya - Milateriga Cameroon ayaa toddobaadkan in ka badan 300 oo rayid ah oo laga soo badbaadiyay kooxda Boko Xaraam u raray xadka ay la wadaagaan Nigeria iyo Chad, sidda ay ku warantay VOA-da oo soo xigatay illo dhanka degaanka ah iyo warbaahinta gudaha.

Ciidamada ayaa sheegay in tiro badan oo kamid ah malayshiyaadka falaagada ah ee fadhigoodu yahay Nigeria lagu soo afjaray howlgal xuduudeedka loogu magac daray Alpha.

Oumar Fatime, oo 37 jir ah, ayaa u sheegtay millatariga Cameroon iyo saraakiisha sarsare ee dawladda in ay ahayd beeralayda khudaarta ee tuulada Ngouboua, ilaa 17-kii Abriil markaasoo dagaalyahanno aad u hubaysan oo Boko Haram ah ay afduubteen iyada iyo saddex xubnood oo qoyskeeda ah.

Ngouboua waa tuulo ku taal Chad kuna taal meel u dhow xeebta waqooyi bari ee harada Chad, waana goob biyood ay wadaagaan Nigeria, Cameroon, Chad iyo Niger.

Dalalka Cameroon, Chad iyo Nigeria ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Boko Haram ay dib ugu laabanayaan magaalooyin iyo tuulooyin ay ciidamada dowladdu isaga baxeen kadib markii ay sheegeen in awooda dagaalyahanada ay aad u yaraadeen, taasina ay muujineyso soo laabashada nabadda.

Saddexda waddan oo taageero ka helaya Beesha Caalamka ayaa sheegay in Boko Xaraam ay qorayso dagaalyahanno cusub ayna weerarto tuulooyinka si ay sahay u helaan.

Ugu yaraan 36,000 oo qof ayaa la dilay, 3 milyan oo kalena way ka carareen guryahoodii tan iyo sannadkii 2009, markaasoo dagaalka u dhexeeya ciidammada dawladda Nigeria iyo maleeshiyada Boko Haram uu ku fiday Cameroon, Niger iyo Chad, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM