Nigeria: Dad ku dhintay qarax ka dhashay booyad shidaal

Image
Booyada ayaa ku dhacdey gaari xamuul ah oo siday dad safar ah iyo Lo'.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhashay booyad shidaal ka dib markii ay isku dhaceen baabuur kale gobolka Niger ee ku yaal woqooyiga badhtamaha Nigeria, sida ay sheegtay hay’adda maareynta musiibooyinka ee gobolka.

Wakaaladda Maareynta Degdegga ah ee gobolka waqooyi-dhexe ee Niger ayaa sheegtay in gaariga shidaalka uu ku dhacay gaari xamuul ah oo siday dad safar ah iyo Lo'. Dhowr baabuur oo kale ayaa sidoo kale shilku qabsaday, sida la sheegay.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warantay in labo ka mid ah baabuurta kale — gaari wiishash ah iyo gaari kuwa xamuulka qaada — ay ku lug lahaayeen shilka oo uu dabku qabsaday.

Afhayeenka hay’adda maamulka deg-degga ah, Hussaini Ibrahim ayaa ku sheegay dhimashada 48-qof, waxaana weli ay saraakiishu isku dayayaan inay nadiifiyaan goobta uu shilka ka dhacay.

Shirkadda qaranka Nigeria ee NNPC Ltd ayaa todobaadkii hore sare u qaaday qiimaha shidaalka ugu yaraan 39%, waana kororkii labaad ee ugu weynaa muddo sanad ka badan balse gabaabsi ayaa sii socotay, taasoo ku qasabtay gaadiidleyda inay safaf dhaadheer u galaan magaalooyinka waaweyn ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM