Nigeria: Gudoomiye gobol oo lambarkiisa WhatsApp laga ka aaday

Image
Qaar kamid ah dadka uu la xiriiro ayaa loo diray dhambaal ka kooban fariimo la yaan leh oo isku mid ah.

ABUJA, Nigeria - Burcad dhanka internet-ka ayaa jabsaday lambarka WhatsApp-ka ee Umo Eno, oo ah guddoomiyaha gobolka Akwa Ibom ee saliidda qaniga ku ah ee Nigeria, waxayna weydiiyeen dadka uu la xiriiro lacag.

Gobolka Akwa Ibom, oo ku yaalla koonfurta Nigeria, waa gobolka saddexaad ee ugu qanisan dalka iyadoo lagu salaynayo wax soo saarka guud ee sanadlaha ah ee gudaha oo dhan $19bn (£15bn).

Badhasaabka oo ah baadari asaasay hay’adda All Nations Christian Ministry International, ayaa la doortay sannadkii hore.

Qaar badan oo ka mid ah xiriirada taleefoonka ee Mr Eno ayaa ka helay fariimo nambarkiisa WhatsApp Talaadadii kaas oo looga codsanayo inay ku xawilaan lacag cayiman akoon oo ay u balan qaadeen inay dib u soo celin doonaan.

Wax ka yar hal bil ka hor, nambarada taleefoonada ee lala xiriiriyay guddoomiye kale ayaa la jebiyey xaalado la mid ah - Ademola Adeleke oo ka tirsan gobolka Osun, adeerkiis xiddiga Afrobeats Davido.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM