Nigeria: Ku dhowaad 60 meyd oo laga helay webi ay doon ku rogmatay

Image
Shilalka noocaan ayaa ku badan waddankan gaar ahaan xilliyada roobabka oo heerka biyuhu aad u sarreeyaan.

NAIROBI, Kenya - Tobaneeyo qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen kadib markii ay doon ku degtay waqooyiga iyo bartamaha dalka Nigeria.

Doonta ayaa la socday in ka badan 300 oo rakaab ah Wabiga Niger markii ay rogmatay habeenimadii Talaadada, sida uu sheegay madaxa Hay’adda Maareynta Degdegga ah ee Gobolka Niger (NSEMA) Abdullahi Baba Arah.

Ku dhawaad ​​60 qof oo meyd ah ayaa laga soo saaray goobta uu shilku ka dhacay, sida uu warbaahinta Nigeria ka soo xigtay guddoomiyaha golaha deegaanka Cabdullaahi Muregi.

Hadalka Mr Arah ayaa lagu sheegay in ilaa hadda la soo badbaadiyay 150-qof oo nool, waxaana dadka doonta la socday ay u badnaayeen haween iyo caruur u socday si ay ugu dabaal-dagaan xuska Mawliidka.

Si kastaba ha ahaatee shilalka doomaha ku rogmaday webiga Niger oo ah webiga saddexaad ee ugu dheer qaaradda Afrika ayaa ah kuwo caadi ah, gaar ahaan xilliyada roobabka oo heerka biyuhu aad u sarreeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM