Nigeria: Ku dhowaad 60 meyd oo laga helay webi ay doon ku rogmatay

Image
Shilalka noocaan ayaa ku badan waddankan gaar ahaan xilliyada roobabka oo heerka biyuhu aad u sarreeyaan.

NAIROBI, Kenya - Tobaneeyo qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen kadib markii ay doon ku degtay waqooyiga iyo bartamaha dalka Nigeria.

Doonta ayaa la socday in ka badan 300 oo rakaab ah Wabiga Niger markii ay rogmatay habeenimadii Talaadada, sida uu sheegay madaxa Hay’adda Maareynta Degdegga ah ee Gobolka Niger (NSEMA) Abdullahi Baba Arah.

Ku dhawaad ​​60 qof oo meyd ah ayaa laga soo saaray goobta uu shilku ka dhacay, sida uu warbaahinta Nigeria ka soo xigtay guddoomiyaha golaha deegaanka Cabdullaahi Muregi.

Hadalka Mr Arah ayaa lagu sheegay in ilaa hadda la soo badbaadiyay 150-qof oo nool, waxaana dadka doonta la socday ay u badnaayeen haween iyo caruur u socday si ay ugu dabaal-dagaan xuska Mawliidka.

Si kastaba ha ahaatee shilalka doomaha ku rogmaday webiga Niger oo ah webiga saddexaad ee ugu dheer qaaradda Afrika ayaa ah kuwo caadi ah, gaar ahaan xilliyada roobabka oo heerka biyuhu aad u sarreeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM