Nigeria: Rayid banaanbaxay oo lagu oogay dacwad khiyaamo qaran

Image
Mudaaharaadyada oo gilgilay dalkan ayaa waxaa loogu magac daray "10 maalmood caro ah".

ABUJA, Nigeria - Toban qof oo ka qayb qaatay mudaaharaadyadii bishii hore ka dhacay guud ahaan dalka Nigeria ayaa lagu soo oogay dacwad khiyaamo qaran iyo dambiyo kale oo halis ah.

Maxkamadda sare ee federaalka ee ku taal caasimadda Abuja ayay kasoo muuqdeen dadkan. Dhammaan eedaysanayaasha way diideen dambiga.

Mudaaharaadyada, oo loogu magac daray "10 maalmood oo caro ah", ayaa waxaa loogu baaqay in laga jawaabo waqtiyada dhaqaale ee aadka u adag ee dad badani ay ku jiraan.

Waxa ay isu rogeen rabshado meelaha qaar iyada oo mudaaharaadayaashu ay isku dhaceen ciidamada ammaanka oo ay ku dhinteen ugu yaraan toddobo, sida ay booliisku sheegeen, inkastoo kooxaha xuquuqul insaanka ay tirada dhimashada ku sheegeen 23.

Nayjeeriya ayaa waxaa soo food saartay dhibaato dhaqaale oo tii ugu darneyd muddo qarni ah. Sicir bararka sanadlaha ah waxa uu taagan yahay in ka badan 30%. 

Qiimaha cunnada ayaa waxaa xitaa si degdeg ah u kacay - tusaale ahaan, xarunta ganacsiga, Lagos, yams, cuntada daruuriga ah, ayaa ku dhawaad ​​afar jeer ka qaalisan sannadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM