Nigeria: Shaqaale careysan oo xayiray dhamaan garoomada diyaaradaha

Image
Sidoo kale, waxa ay damiyeen korontadii taas oo sababtay khalkhal aan horey loo arag.

NAIROBI, Kenya - Dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika ayaa korontadii go’day, waxaana xiran dhaqdhaqaaqa dhamaan garoomada diyaaradaha waaweyn, sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah.

Tani ayaa ka dambeysay markii ururrada shaqaalaha ee ugu waaweyn Nigeria ay billaabeen shaqo joojin ay ku dalbanayaan in mushaar kordhin loo sameeyo iyada oo ay jirto xaaladdii ugu darnayd ee xagga nolosha ah muddo tobanaan sano ah.

Dib-u-habaynta dhaqaalaha ee Madaxweyne Bola Tinubu - oo ay ku jirto joojinta kabitaannada shidaalka - waxay keentay sicir-bararka oo sare u kaca kaas oo jooga heerkii ugu sarreeyay ee 28-sano.

Shaqa joojintii ugu dambeysay ee Isniintii, oo ah tii afraad tan iyo markii Tinubu uu xukunka la wareegay sanad ka hor, shaqaaluhu waxay xireen shabakada korantada qaranka.

Sidoo kale, waxay ka eryeen hawl-wadeenadii xaruntan muhiim ah, sidda shirkadda gudbinta ee Nigeria ay sheegtay, iyada oo intaa ku dartay in shaqaale kale loo diray si ay u soo celiyaan korontada la xannibay.

Dhanka kale, shaqaalaha dawladda ayaa ku guuldarraystay inay soo xaadiraan ama xiraan albaabada laga soo galo xafiisyada, oo ay ku jiraan garoommada diyaaradaha ee caasimadda Abuja iyo xarunta dhaqaalaha ee Lagos.

Boqolaal rakaab ah ayaa xayiran kadib markii shirkadaha diyaaradaha ee maxalliga ah ay hakiyeen howlihii duulimaadka. Tani waxay soo jeedinaysaa baahida loo xal degdeg ah kahor inta xaalku xumaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM