Nigeria: Shaqaale careysan oo xayiray dhamaan garoomada diyaaradaha

Image
Sidoo kale, waxa ay damiyeen korontadii taas oo sababtay khalkhal aan horey loo arag.

NAIROBI, Kenya - Dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika ayaa korontadii go’day, waxaana xiran dhaqdhaqaaqa dhamaan garoomada diyaaradaha waaweyn, sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah.

Tani ayaa ka dambeysay markii ururrada shaqaalaha ee ugu waaweyn Nigeria ay billaabeen shaqo joojin ay ku dalbanayaan in mushaar kordhin loo sameeyo iyada oo ay jirto xaaladdii ugu darnayd ee xagga nolosha ah muddo tobanaan sano ah.

Dib-u-habaynta dhaqaalaha ee Madaxweyne Bola Tinubu - oo ay ku jirto joojinta kabitaannada shidaalka - waxay keentay sicir-bararka oo sare u kaca kaas oo jooga heerkii ugu sarreeyay ee 28-sano.

Shaqa joojintii ugu dambeysay ee Isniintii, oo ah tii afraad tan iyo markii Tinubu uu xukunka la wareegay sanad ka hor, shaqaaluhu waxay xireen shabakada korantada qaranka.

Sidoo kale, waxay ka eryeen hawl-wadeenadii xaruntan muhiim ah, sidda shirkadda gudbinta ee Nigeria ay sheegtay, iyada oo intaa ku dartay in shaqaale kale loo diray si ay u soo celiyaan korontada la xannibay.

Dhanka kale, shaqaalaha dawladda ayaa ku guuldarraystay inay soo xaadiraan ama xiraan albaabada laga soo galo xafiisyada, oo ay ku jiraan garoommada diyaaradaha ee caasimadda Abuja iyo xarunta dhaqaalaha ee Lagos.

Boqolaal rakaab ah ayaa xayiran kadib markii shirkadaha diyaaradaha ee maxalliga ah ay hakiyeen howlihii duulimaadka. Tani waxay soo jeedinaysaa baahida loo xal degdeg ah kahor inta xaalku xumaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM