Nin labo sano xarig loogu xukumay gubida sawirka madaxwayne

Image
Farshaxanistahan u dhashay Tansaaniya ayaa sidoo kale wuxuu qirtey inuu aflagaadeeyay madaxwayne Samia Suluhu Hassan.

NAIROBI, Kenya - Farshaxaniste u dhashay Tansaaniya oo lagu eedeeyay inuu gubay sawirka Madaxweyne Samia Suluhu Hassan, ayaa lagu xukumay laba sano oo xarig ah ama ganaax lacageed oo dhan $2,000 (£1,600) ka dib markii lagu helay dambiyo dhanka internetka ah.

Shadrack Chaula ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyay inuu duubay muuqaal aad ugu faafay internet-ka oo muujinaya isaga oo gubaya sawirka madaxweyne Samia xilli uu aflagaadeeyay.

Rinjiiste 24-sano jir ah ayaa qirtay inuu galay dambiga wuxuuna ku guul dareystay inuu falkiisa kahor difaaco maxkamada horteeda taasoo keentay in xukunkiisa si degdeg ah loogu dhawaaqo.

Xarigiisa ayaa dhaliyay muran dhanka sharciga ah, iyadoo qaar ka mid ah qareenada ay sheegeen in uusan jirin wax sharci ah oo lagu gubay sawirka iyo in aysan jirin sharci loo cuksaday xukunkiisa.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa bilaabay olole dhanka internetka ah si ay lacag ugu ururiyaan si ay u bixiyaan ganaaxa Chaula si xabsiga looga sii daayo.

Sannadkii 2018-kii, Tansaaniya waxay soo saartay sharciyo adag oo ka dhan ah faafinta "warar been abuur ah", kuwaas oo dadka dhaleeceeya maamulka xukunka u haya u arkaan hab lagu caburinayo ama lagula dagaalamayo xorriyadda hadalka iyo in ay dadka dhiibtaan fekerkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM