Nin toorey ku dhaawacay madaxwayne oo meydkiisa la helay

Image
Madaxweyne Azali ayaa markii ugu horeysay xukunka ku qabsaday afgambi militari sanadkii 1999.

NAIROBI, Kenya - Nin la qabtay Jimcihii kadib markii uu mindi ku weeraray madaxweynaha Comoros ayaa meydkiisa laga helay xabsiga, sida ay sheegeen maamulka dalkaas.

Weerarka ayaa dhacay xili ay socotay aas loo sameeyay hogaamiye diimeed caan ah waxaana uu dhaawac ka soo gaaray gacanta madaxweyne Azali Assoumani.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Cali Maxamed Djounaid ayaa sheegay in markii la soo xiray ninkii weerarka geystay lagu go’doomiyay qol uu ku jiray si loo dejiyo. Waxa uu sheegay in subaxnimadii Sabtida laga helay meydka oo yaalay dabaqa qolka.

Ma cadda sababta ka dambeysay weerarka gelinkii dambe ee Jimcihii balse maamulka ayaa ku raad jooga. Wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegtay in ninka tooreyda ahaa ay ku sheegeen inuu yahay askari 24 jir ah oo lagu magacaabo Axmed Cabdow.

Madaxweyne Azali ayaa markii ugu horeysay xukunka ku qabsaday afgambi militari sanadkii 1999. Kadib toban sano oo uu xafiiska ka maqnaa, wuxuu ku guuleystay doorasho lagu murmay sanadkii 2016, waxaana dib loo doortay bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM