Ramaphosa oo loo dhaariyay inuu markii labaad noqdo Madaxweynaha South Africa

Image

JOHANNESBURG - Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa loo dhaariyay xilka markii labaad kadib doorasho bishii hore ka dhacday dalkaas.

Ramaphosa ayaa kursiga helay ka dib markii uu helay codadka aqlabiyada xubnaha baarlamaanka, isagoo la heshiiyay xulafada kale, oo xisbigiisa African National Congress ANC lasoo dhisayo xukuumad wadajir ah.

Tani waxay ahayd markii ugu horeysay ee ANC uu ku guuldareysto inuu helo aqlabiyadda ka dib doorashadii 29-kii May markii xisbiyada kale sida Zuma uMkhonto WeSizwe (MK), xisbiga Malema ee isbaheysiga ah ee Economic Freedom Fighters (EFF) iyo DA ay heleen tirada ugu badan kuraasta baarlamaanka.

Ramaphosa wuxuu isbahaysiga uu sameystay kaga guuleystay musharax - Julius Malema. Ramaphosa ayaa helay 283 cod halka Malema uu helay 44 cod oo kamid ah kuraasta baarlamaanka 400 oo ah xubnood.

Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhacayay dhibaatooyin adag oo ay ka mid yihiin shaqo la'aan, sinnaan la'aan iyo dambiyo rabshado wata.

ANC - xisbiga caanka ah ee Nelson Mandela - ayaa Koonfur Afrika ku xukumay aqlabiyad tan iyo markii uu dhammaaday nidaamkii midab-takoorka ee xukunkii caddaanka tirada yar ee 1994.

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya inay jiri karaan dhibaatooyin ka dhaca dalka, in kastoo, marka la eego fikradaha kala duwan ay muujinayaan in dad badan ku qanceen natiijadda doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM