Siyaasi mucaarad ah ku ahaa boqor ka taliya dalkiisa oo la sumeeyay

Image
Mlungisi Makhanya, oo 46 jir ah, ayaa labadii sano ee u dambeysay ku noolaa dalka deriska la ah waddankiisa.

NAIROBI, Kenya - Hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn Eswatini ayaa la sumeeyay iyadoo qeyb ka ah isku day dil, waxaana lagu daweynayaa isbitaal, sida uu sheegay xisbigiisa.

Mlungisi Makhanya, oo 46 jir ah, ayaa labadii sano ee u dambeysay ku noolaa dalka deriska la ah ee Koonfur Afrika, isagoo sheegay inuu naftiisa uga baqayo gudaha dalkiisa.

Musaafuriskan shaqsigan ayaa ka dambeeyay kaddib markii ay rabshado xoog leh oo ka dhan ah dadka u ololeeya dimoqraadiyadda ay kala kulmeen boqortooyadii ugu dambeysay ee Afrika.

"Madaxweynaheenna waa la xasiliyay laakiin weli waxa uu ku sugan yahay xaalad halis ah," xisbiga People's United Democratic Movement (Pudemo) ayaa yiri.

Afhayeenka dowladda Eswatini Alpheous Nxumalo ayaa beeniyay ku lug lahaanshaha dowladda, isagoo yiri "Dowladdu ma disho mana sumeyso tuhmanayaasha".

Sannadkii hore, Thulani Rudolf Maseko, oo ahaa qareen u dooda xuquuqda aadanaha, kana soo horjeeday boqorka, ayaa lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla caasimadda Mbabane, taasoo keentay cambaareyn ballaaran.

Bishii Sebtembar 2022, guriga Makhanya ee Eswatini ayaa lagu qaaday weerar bambaano oo la sheegay in ay gaysteen saraakiil dhanka ammaanka ah oo ka tirsan dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM