Siyaasi rug cadaa ahaa oo ku geeriyoodey dalka Koonfur Afrika

Image
Mboweni oo hore u ahaa halgamaa ka soo horjeeda midab-takoorka, ayaa ku dhawaad ​​toban sano musaafuris ku joogay Lesotho.

NAIROBI, Kenya - Guddoomiyihii ugu horreeyay ee bangiga dhexe ee Koonfur Afrika ee madow, oo markii dambe noqday wasiirka maaliyadda, ayaa geeriyooday isagoo 65 jir ah.

Tito Mboweni ayaa waxaa soo gaaray "xanuun gaaban", sidda ay madaxtooyadu xaqiijisay fiidnimadii Sabtida, iyadoo aan la sheegin wax intaas ka badan.

"Waxa aanu waynay hogaamiye iyo qof wadaag wanaagsan oo u adeegay qarankeena sida dhaqdhaqaaqe, hal-abuure siyaasad dhaqaale iyo u ololeeya xuquuqda shaqaalaha," ayuu yidhi madaxweyne Cyril Ramaphosa.

Qoyska Mbwoeni ayaa sheegay in ay aad u murugeysan yihiin,waxana ay sheegeen in uu ku dhintay isbitaal ku yaala magaalada Johannesburg oo ay ku hareeraysan yihiin eheladiisa.

Mboweni oo hore u ahaa halgamaa ka soo horjeeda midab-takoorka, ayaa ku dhawaad ​​toban sano musaafuris ku joogay Lesotho halkaas oo uu jaamacad kaga baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM