Suudaan: In ka badan 20 qof oo lagu dilay weerar madaafiic ah

Image
Kooxdan ayaa waxa ay hoosta ka xariiqdey in dhimashadan ay tahay tii ugu xumayd.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhintay kadib markii ay ciidamada hubeysan ee RSF ay weerar ku qaadeen magaalada Al Fashir, sidda ay sheegeen kooxda u ololaysa dimuqraadiyada.

Kooxdan ayaa waxa ay hoosta ka xariiqdey in dhimashadan ay tahay tii ugu xumayd kadib todobaadyo is-mari-waa xooggan uu ka taagnaa dhinaca dagaalka sokeeye ee dalkaasi.

Guddiyada iska caabinta Al Fashir ayaa Facebook ku sheegay Sabtidii in RSF ay madaafiic ku garaacday suuqyada, isbitaallada iyo guryaha la deggan yahay, waxayna adeegsatay diyaarad aan duuliye lahayn si ay u beegsato isbitaal.

Magaaladu waa goobtii ugu dambaysay ee ciidanka qaranku kaga hareen gobolka Darfur, waana furaha dagaalka ay kula jiraan RSF, taas oo Suudaan ka dhigtay xaalad bini'aadantinimo tii ugu xumayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM