Suxufiyiinta ku nool dalka Niger oo wajahaya xaalad cabsi ah

Image
Niger ayaa sanadkan waxa ay ku biirtay liiska wadamada ay milatariga xukunka la wareegeen.

ABUJA, NIGERIA - Markii wariye Gazali Mahaman Abdou uu maqlay afgambigii militari ee ka dhacay dalkiisa Niger bishii Luulyo ee la soo dhaafay, wuxuu aaday shaqada si uu uga warbixiyo waxa soo kordhay.

Isaga oo suxufi ah in ka badan muddo 20 sano ah, Abdou waxa uu uga soo warramey wariyaha Jarmalka ee Deutsche Welle isaga oo jooga xaruntiisa caasimadda Niger ee Niamey.

Laakin iyadoo hogaanka millatariga ee ku meel gaarka ah uu xukunka hayo, Cabdow wuxuu yiri: "Soo tebinta xaaladdu waxay noqotay mid aad halis u ah, iyadoo qaar ka mid ah saxafiyiinta la xiray.

"Mararka qaar khatartu si toos ah ugama imanayso ciidamada milateriga, balse waa kuwa taageersan ciidamada milateriga, waana sababta aan u baqayno," ayuu yiri.

Qaar ka mid ah saxafiyiinta ayaa Niger uga tagay sababtoo ah waa ay shaqeyn waayeen, Abdou wuxuu yiri, isagoo raaciyay, "Saddex ama afar bilood ka dib, waxay ku noqdeen dalka, laakiin si toos ah uma dhaleecayn karaan xukunka Junta."

Sikastaba ha ahaatee, Niger ayaa sanadkan waxa ay ku biirtay liiska wadamada ay milatariga xukunka la wareegeen kuwaas oo meesha ka saarey hogaamiyeyaashii ku yimid sanduuqa coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM