Suxufiyiinta ku nool dalka Niger oo wajahaya xaalad cabsi ah

Image
Niger ayaa sanadkan waxa ay ku biirtay liiska wadamada ay milatariga xukunka la wareegeen.

ABUJA, NIGERIA - Markii wariye Gazali Mahaman Abdou uu maqlay afgambigii militari ee ka dhacay dalkiisa Niger bishii Luulyo ee la soo dhaafay, wuxuu aaday shaqada si uu uga warbixiyo waxa soo kordhay.

Isaga oo suxufi ah in ka badan muddo 20 sano ah, Abdou waxa uu uga soo warramey wariyaha Jarmalka ee Deutsche Welle isaga oo jooga xaruntiisa caasimadda Niger ee Niamey.

Laakin iyadoo hogaanka millatariga ee ku meel gaarka ah uu xukunka hayo, Cabdow wuxuu yiri: "Soo tebinta xaaladdu waxay noqotay mid aad halis u ah, iyadoo qaar ka mid ah saxafiyiinta la xiray.

"Mararka qaar khatartu si toos ah ugama imanayso ciidamada milateriga, balse waa kuwa taageersan ciidamada milateriga, waana sababta aan u baqayno," ayuu yiri.

Qaar ka mid ah saxafiyiinta ayaa Niger uga tagay sababtoo ah waa ay shaqeyn waayeen, Abdou wuxuu yiri, isagoo raaciyay, "Saddex ama afar bilood ka dib, waxay ku noqdeen dalka, laakiin si toos ah uma dhaleecayn karaan xukunka Junta."

Sikastaba ha ahaatee, Niger ayaa sanadkan waxa ay ku biirtay liiska wadamada ay milatariga xukunka la wareegeen kuwaas oo meesha ka saarey hogaamiyeyaashii ku yimid sanduuqa coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM