Taliyaha ugu sareeya milatariga Suudaan oo isku-day dil ka badbaadey

Image
Weerarkan oo loo adeegsaday diyaarad drone ah ayaa ka dhacay xaflad qalin jabin ah

NAIROBI, Kenya - Milatariga Sudan ayaa sheegay in taliyahooda ugu sareeya General Abdel-Fattah Burhan, uu ka badbaaday weerar ay diyaarad Drone ah ku qaaday xaflad qalin jabin ah oo ay ku dileen shan qof bariga dalkaasi.

Taliska Ciidamadda Suudaan ayaa bayaan uu soo saaray Arbacadii ku sheegay in weerarka oo ay fuliyeen labo diyaaradood uu ka dhacay magaalada Gebeit ee bariga Suudaan, kaddib markii la soo gebagebeeyay xafladda.

War qoraal ah oo ka soo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in weerarku uu ka dhacay xaflad qalin jabin ah oo ka dhacday xerada ciidamada Gibet oo qiyaastii 100 km (62 mile) u jirta magaalada Port Sudan ee xarunta u ah ciidanka xooga dalka Sudan, waxaana lagu dilay 5 qof.

Sida uu sheegay Gaashaanle Dhexe Xasan Ibraahim oo ka tirsan xafiiska afhayeenka ciidamada, taliyaha ciidamada Burhaan oo ka qeyb galayay ayaan wax dhibaato ah soo gaarin.

Suudaan waxaa in ka badan hal sano ka socday dagaal u dhexeeya militariga iyo kooxda xagjirka ah ee RSF. Iyadoo dagaalku uu ka socdo caasimadda Khartoum, hoggaanka milatarigu wuxuu inta badan ka hawlgalaa bariga Suudaan oo u dhow Xeebta Badda Cas.

RSF ma aysan sheegan mas'uuliyadda duqeynta dhanka cirka ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka fuliyeen bariiga dalkaas mana ka hadlin dhacdada Talaadadii.

Isku dayga dilka ayaa imaanaya ku dhawaad ​​todobaad ka dib markii hogaamiyaha militariga Sudan uu sheegay inuu qorsheynayo inuu ka qeyb galo wadahadalo xabad joojin ah oo ka dhacaya Switzerland bisha soo socota sanadkan 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM