Tanzania: Taliye boolis oo shaqada looga qaaday hadal buuq abuuray

Image
Kiiskan ayaa kamid ah dhacdooyin horey oo kusoo laabtay inta badan wadamada qaarada Afrika.

NAIROBI, Kenya - Taliye booliis oo ka howlgala caasimadda dalka Tanzania ee Dodoma, ayaa xilka laga xayuubiyay ka dib hadallo muran dhaliyay oo la xiriiray shaqo lagu badashay tacadi dhanka jinsiga ah.

Horaantii bishan, muuqaal ay kasoo muuqatay gabadh yar oo la faraxumeeyay ayaa la faafiyay, taasoo keentay qeylo dhaan culus. Afar nin ayaa Isniintii diiday eedeymahan.

Axadii, taliyaha booliiska magaalada caasimadda ah ee Dodoma, ayaa ka dhawaajiyay "Haweenayda su'aashu waxay u muuqatay inay ku hawlan tahay shaqo ay ku badalaneyso tacadi”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM