Uganda: Taliye hore oo 40 sano xarig loogu xukumay 44 dambi uu ku kacay

Image
Kwoyelo waa taliyihii ugu horreeyay ee ka tirsan jabhad si weyn looga qabo taasoo la aas-aasay sideetameeyadii.

KAMPALA, Uganda - Maxkamad ku taalla dalka Uganda ayaa 40 sano oo xarig ah ku xukuntay taliyihii hore ee Jabhadda Lord’s Resistance Army (LRA) ka dib markii la soo taagay maxkamad la xiriirta dambiyo dagaal.

Thomas Kwoyelo ayaa lagu helay 44 dacwadood oo ay ku jiraan dil, kufsi, afduub iyo tuugo.

Wuxuu diiday dhammaan eedeymaha lagu soo oogay.

Kwoyelo waa taliyihii ugu horreeyay ee ka tirsan jabhadda laga cabsi qabo oo maxkamad ku taalla Uganda ay xukun ku riddo.

LRA oo la aas aasay dabayaaqadii sideetameeyadii ayaa lagu eedeeyaa in ay xasuuq ka geysatay Uganda iyo wadamada deriska la ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM