Waa kuma wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Jabuuti?

Image

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Abdoulkader Houssein Omar u magacaabey inuu noqdo wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, isagoo bedelaya Mahamoud Ali Youssouf oo bishii Febuary loo doortay Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika.

Wasiirka cusub ayaa horey usoo noqday safiirka Jabuuti ee dalka Kuwait. Waa diblomaasi mudo u shaqeynayay dowladda Jabuuti, waxaana uu kamid yahay shaqsiyaadka ku dhaw Geelle, oo kamid ah hogaamiyaasha ugu waqtiga dheer caalamka, oo kursiga ku fadhiyay tan iyo 1999-kii.

Mahamoud Ali Youssouf ayaa mudo dheer xilkan hayay, waxaana Jabuuti ka jira nidaam kaligii-talis ah, oo doorashadda uu kusoo baxo kaliya Ismaaciil Cumar Geelle, oo ah shaqsi awoodda isku soo koobay, oo xubnaha mucaaradka ka sifeeyay dalka Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM