Weerar lagu qaaday xarunta Madaxtooyada Chad

Image

CHAD - Dabley hubaysan ayaa Arbacadii shalay xili fiid ah isku dayay inay xoog ku galaan xarunta madaxtooyada Chad ee ku taalla Caasimadda N’Djamena, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal ay ku dhinteen 18 qof oo weerarka soo qaaday iyo mid ka mid ah ciidamada ammaanka, sida ay dawladdu sheegtay.

Wariyayaal ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa maqlay rasaas ka dhacaysa agagaarka Madaxtooyadda, waxa ayna wadada ku arkeen taangiyo, halka laamaha amaanka ay sheegeen in rag hubeysan ay isku dayeen in ay gudaha u galaan dhismaha.

"Waxaa jiray 18 dhimasho ah iyo lix dhaawac ah" oo ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday "waxaa na soo gaaray hal dhimasho iyo saddex dhaawac ah, mid ka mid ah ayaa halis ah", afhayeenka xukuumadda iyo wasiirka arrimaha dibadda Abderaman Koulamallah ayaa yiri.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in kuwa weerarka geystay ay ka tirsan yihiin Boko Haram, balse Koulamallah ayaa markii dambe sheegay in “aysan ahayn weerar argagixiso, isagoo ku sifeeyay dableyda inay ahaayeen kuwo sakhraansan.

Waxa uu sheegay in ay weerareen afar ilaalo ah ka hor inta aysan galin aaga xarunta madaxtooyada, halkaas oo si fudud looga awood roonaaday, isaga oo intaa ku daray in dhagar-qabayaashii badbaaday ay ahaayeen "gabi ahaanba kuwa isticmaalay daroogo".

Dhacdada ayaa ku soo beegmaya iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Chad.

Dalka Chad oo aan bad lahayn ayaa ka jira xukun militari, waxaana ay la kulmaan weeraro joogto ah oo kaga imaanaya kooxda Boko Xaram, gaar ahaan gobolka galbeedka. Chad ayaa xuduud la leh Cameroon, Nigeria iyo Niger.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM