William Ruto oo kala diray dhamaan xubnaha Golahiisa Xukuumadda

Image
Madaxweynaha Kenya ayaa talaabadan u sababeeyay inuu soo dhisayo xukuumad sal ballaaran.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa si degdeg ah xilka uga qaaday dhammaan wasiiradiisa iyo xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya, sidda uu ka sheegay shir jaraa'id.

Talaabadan ayaa timid kadib dibadbaxyo ay dad badan ku dhinteen oo dhawaan dalkaasi ka dhacay, kaasoo sababay in laga laabto sharci canshuur ah "oo aan la aqbali karin".

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadan ay timid ka dib "dib u milicsi, dhegeysiga dadka Kenyaanka ah, iyo kadib markii aan qiimeyn guud ku sameeyay golaha wasiiradayda".

Ruto oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa waxa uu sheegay in hadda wixii ka dambeeya uu la tashi ballaaran sameyn doono si loo soo dhiso dowlad sal ballaaran.

Kala dirista golihiisa wasiirada ma saameyneyso madaxweyne ku xigeenka oo aan sifo sharci ah xilka looga qaadi karin, iyo xoghayaha ra’iisul wasaaraha oo sidoo kale ah wasiirka arrimaha dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM