Xiisadda Itoobiya iyo Ereteriya oo Cirka Isku Shareertay iyo Khilaafka Tigray oo Sii Xumaanaya

Image

Addis Ababa (GO) – Khilaafka u dhexeeya hoggaanka maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray ayaa cirka isku shareertay, iyadoo labada garab ee kala hoggaamiya Getachew Reda iyo Debretsion Gebremichael ay isku hayaan gacan ku haynta maamulka gobolka. Xiisaddan ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in gobolka ay dib ugu soo laabtaan dagaallo cusub.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay Talaadadii kadib markii garabka Debretsion uu la wareegay maamulka magaalada Adigrat, taasoo keentay in Getachew Reda uu dowladda federaalka ka codsado gargaar si looga hortago in gobolka uu galo dagaallo cusub. Getachew ayaa sidoo kale xilka ka qaaday saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada, isaga oo ku eedeeyay inay isku dayayeen inay gobolka gelinayaan dagaal cusub.

Garabka Debretsion ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay la wareegista Adigrat, iyagoo bartooda Facebook ku daabacay in ay maamulayaan magaalada. Arrintan ayaa sii hurisay khilaafka, iyadoo labada dhinac ay isugu hanjabeen tallaabooyin kale oo dheeraad ah.

Dowladda federaalka Itoobiya weli si rasmi ah ugama aysan hadlin xiisadda Tigray, balse khubarada siyaasadda iyo falanqeeyeyaasha gobolka ayaa ka digaya in khilaafkan uu dib u kicin karo colaad hor leh oo dib u ridi karta dadaalladii nabadeed ee lagu xasillinayay gobolka.

Xiisadda Itoobiya iyo Ereteriya oo Weli Taagan

Xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Ereteriya ayaa iyana weli taagan, iyadoo warar soo baxaya ay muujinayaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda xuduudda labada dal. Arrintan ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in mar kale uu dagaal ka dhex qarxo labada waddan.

Xaaladda cakiran ee ka taagan Itoobiya iyo Ereteriya, oo ay weheliso khilaafka gudaha ee Tigray, ayaa la sheegey iney u baahan tahay dhexdhexaadin degdeg ah oo caalami ah si looga hortago in xiisaddu isku beddesho dagaal ballaaran oo saameyn ku yeesha nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM