Arsenal iyo Liverpool oo isha ku haya Julian Draxler

Image

SPORTS - Kooxaha kawada Dhisan horyaalka England ee Liverpool iyo Arsenal ayaa labaduba waxay doonayaan Ciyaariyahanka Qaranka Germany iyo kooxda PSG Julian Draxler.

Draxler oo 24 jir ah ayaa 11 bilood ka hor ku soo biiray kooxda reer France ee PSG, waxaana shaki la galiyay mustaqbalka xidigan kadib markii uu PSG ku soo biiray Neymar oo Barcelona ka soo dhaqaaqay.

Wargeyska L'Equipe oo kasoo baxa Paris, ayaa lagu qoray in kooxda PSG ay dhageysan doonto dhamaan dalabyada kaga yimaada kooxaha doonaya Draxler, laakiin ugu Danbeyn bisha January ee soo socota ay fasaxi doonaan xidigaasi.

Liverpool oo weyn karta January Coutinho oo Barcelona ku wajahan ayaa aad u dooneysa xidigan, iyadoo Tababaraha kooxdan Klopp uu sheegay in Draxler oo muhiim u noqon doono kooxdiisa hadii uu yimaado Garoonka Anfield.

Tababaraha reer France ee kooxda Gunners Arsene Wenger ayaa sidoo kale isna xiiseynaya qaab Ciyaaredka Draxler, isagoo aad ula dhacsan in xidigan uu Emirates keeno maadaama Gunners ay weyn karaan January Ozil iyo Sanchez oo aan kooxdaan la joogitaankeeda ku qanacsaneyn.

Draxler oo dhawaan ka hadlayay Mustaqbalkiisa ayaa sheegay in uusan maanka ku hayn in uu isaga tago PSG.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lionel Messi oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay xulka Argentina

Messi oo 39 jir ah ayaa sheegay in go’aanka uu ahaa mid aad u xanuun badan, balse uu fahmay in waqtigii uu ka tagi lahaa xulka uu yimid.

  • Cayaaraha

    31-08-2026

  • 04:21PM

Guuldarradii Norway Kaddib, Neymar oo Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga ah

Waa gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka Brazil, isagoo jabiyay rikoor ay muddo dheer haysteen halyeeygii kubadda cagta Pelé.

  • Cayaaraha

    06-07-2026

  • 05:45AM