Cabdixafiid Cabdi: Ayeeyo-koriskii guusha u soo hooyay qaranka

Image
Hooyadiisa Faadumo Bana ayaa si qiiro leh uga hadashay wacdaraha wiilkeeda ka dhigay kubada cagta Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hooyada dhashay Cabdixafiid oo ah xiddiga qaaday billada ciyaaryahanka ugu fiican ee koobka Afrika ee 17 jirada Faadumo Bana ayaa warbaahinta gudaha kula hadashay magaaladda Kismaayo.

Maamada oo muuqaalkeeda uu aad ugu faafay baraha bulshadda ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay guusha uu gaaray wiilkeeda iyo xulka qaranka ee koobka qaaday.

Faadumo Bana ayaa dhanka kale xustey in wiilkeeda loo geystay hagardaamooyin, iyada oo tibaaxdey in laga reebay xulkii Jubbaland ee 2020-ka, kadibna looga dabotagay xulka Koonfur Galbeed oo fursad siiyay wiilkeeda.

"Waxaan kaloo aad uga xumahay in guusha wiilkayga aan looga dabaaldegin degaanadda Jubaland halka meelaha kale ee Soomaaliya looga dabaaldegay," ayay raacisay.

Cabdixafiid ayaa kadib dhacdadaas wuxuu isaga soo tagay Kismaayo isaga oo yimid Muqdisho. Qoraal ay 2020-kii Facebook-ga kusoo qortey Faadumo ayaa muujinayay in ay ugu duceysay guul meel walba uu tago.

Naadiga heerka koowaad ee Elman kana dhisan Muqdisho ayaa gacanta ku dhigtey Cabdixafiid waxaana ay ku dartey Xerada Tababarka Ciyaartoyda Da'yarta halkaasoo ugu dambeyntii uu kaga soo biiray xulka qaranka.

"Aniga soo korin Cabdixafiid waxaa gacanta ku haayay oo kusoo dadaalay ayeeyadiisa iyo abtiyaashiisa maxaa yeelay aniga waxaana ahaa qof iska xanuunsan," ayay raacisay Faadumo.

Xiriirka Kubadda Cagta Jubaland ayaan wali ka jawaabin eedeynta uga timid qoyska Cabdixafiid oo ah in ay haqireen hibadiisa isla markaana ay ka reebeen fursad uu ku matali lahaa maamulka iyo waliba Koonfur Galbeed.

Soomaaliya oo kasoo kabanaysa burbur iyo colaado sokeeye ayaa, dabcan, meelo badan waxaa ka jira takoor salka ku haya kala sareynta bulshadda oo dadka qaar aaminsan yihiin taasoo burburineysa guul kasta dalku gaari lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM