​Cayaaraha Olombikada Adduunka oo lasoo gabagabeeyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Waxaa xalay lasoo gaba gabeeyay cayaaraha Olombikada adduunka ee sannadkan 2016-ka kaasoo muddo kasocday magaalada Rio De Janerio ee dalka Brazil.

Xaflad lagu xiryay tartanka ayaa lagu maamuusay garoonka cayaaraha ee Maracana Stadium.

Waxaa ka qayb galay madax sare oo uu ka mid yahay Ra’iisal wasaaraha dalka Japan, Shinzo Abe oo sannadka 2020-ka dalkiisa lagu qaban doono tartanka Olombikada caalamka.

Tartanka oo socday muddo 16 maalmood ah ayaa lagu tartamay cayaaro kala duwan oo dhammaantoodba ku jira diiwaanka cayaaraha Olombikada adduunka.

Dalalka ku guulaystay cayaarahaas ayaa ugu horreeya dalka Maraykanka oo helay 121 billadood oo ay ku jiraan 46 dahab ah.

Waxaa sidoo kale kaalinta labaad galay waddanka England oo helay 26 billadood oo dahab ah.

Dalka Shiinaha ayaa la hoyday kaalinta saddexaad.

Mudada uu tartankan socday ayaa waxaa loollan adag loo galay billadahaasi qaaliga ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lionel Messi oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay xulka Argentina

Messi oo 39 jir ah ayaa sheegay in go’aanka uu ahaa mid aad u xanuun badan, balse uu fahmay in waqtigii uu ka tagi lahaa xulka uu yimid.

  • Cayaaraha

    31-08-2026

  • 04:21PM

Guuldarradii Norway Kaddib, Neymar oo Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga ah

Waa gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka Brazil, isagoo jabiyay rikoor ay muddo dheer haysteen halyeeygii kubadda cagta Pelé.

  • Cayaaraha

    06-07-2026

  • 05:45AM