Ciyaariyahan Robinho oo lagu xukumay 9 sano oo xabsi ah

Image

GO SPORTS - Ciyaariyahankii hore ee kooxda AC Milan Robinho ayaa lagu xukumay 9 sano oo xabsi ah, kadib markii uu fal kufsi ah kula kacay haweeneey sanadii 2013. 

Maxkamada ku taalla dalka Talyaaniga ayaa 33 jirkan reer Brazil ayaa xukunkan ku riday, waxaana baaritaan uu ku socdaa 5 qof oo kale oo iyaguna la sheegay in falkan ay ku lug yeesheen. 

Robinho ayaa fal kufsi kula kacay haweeneey u dhalatay dalka Albania oo xiliga falkan lagu kala kacayay ku nooleyd magaalada Milan ee dalka Talyaaniga. 

Kufsiga ayaa dhacay xilli habeen ah oo gabadha iyo Robinho ka soo wada baxeen meel ay ka soo cunteeyeen. 

Robinho ayaa 2015 isaga tagay kooxda AC Milan kadib 5 sano oo kooxdaasi uu la joogay waxaana uu haatan u ciyaaraa kooxda Atletico Miniero oo ka dhisan dalka Brazil. 

Robinho ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Instagram-ka ku sheegay in uu naftiisa difaacay isla markaana uusan ka qeyb ka qaadan falkan lagu eedeeyay taa oo uu sheegay in sharaftiisa dhaawac ay u geysatay. 

Robinho ayaa xirfadiisa ciyaareed ka soo bilaabay kooxda Santos ee dalka Brazil waxaana uu ku guuleystay 2 horyaal oo Laliga ah  kadib 4 sano oo uu la joogay kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Real Madrid. 

Sidoo kale, xidigan ayaa 2 sano ku qaatay garoonka Etihad ee kooxda Manchester City. 2008 ayuu ku biiray kooxdaasi imaanshaha Robinho ayaa imaaday Manchester City oo isla sanadkaasi uu iibsaday maal qabeenka lagu magacaabo Sheikh Mansour. 

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta Falastiin oo loo diiday gelitaanka Mareykanka

Infantino ayaa toddobaadkan sheegay in FIFA ay isku dayday inay xaliso dhibaatooyinka la xiriira fiisooyinka.

  • Cayaaraha

    13-06-2026

  • 09:44AM

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM