Ciyaartooyda Man United oo booqday Xaruumo Caafimaad

Image

Ciyaartooyda kooxda kubada cagta ee Manchester United ayaa waxay si lama filaana u booqdeen xarumo caafimaad oo lagu dabiibo caruurta kuwaa oo ku ku yaalla magaalada Manchester ee dalka England iyagoo hadiyado iyo dawooyin gudoonsiiyay bukaano ku jiray xarumaha caafimaad ay booqdeen.

Kabtanka Red Devills Michel Carrick oo ay wehliyaan daafacyada Manchester United Chris Smalling iyo Phil Johns ayaa waxay booqdeen isbitalka Francis Hospice oo ku yaalla magaalada Manchester waxaana waqti ay la soo qaateen bukaano ku jiray isbitalkaasi oo aad ugu farxay booqashada ay ugu imaadeen qaar kamid ah ciyaartooyda Manchester United.

Ciyaariyahan Romelu Lukaku, Matteo Darmian iyo Daley Blind ayaa waxay iyaguna tageen xarun lagu ay ku jiraan dadka aan lixaadkoodu dhameystirneen waxaana si lamid ah ciyaartooyda kale ay hadiyado gaarsiiyeen bukaanada ay booqdeen.

Dhamaan ciyaartooyda kale ayaa waxay booqdeen isbitalka Royal oo ah kan ugu balaaran ee ku yaalla UK oo lagu dabiibo caruurta waxaana ciyaartooyda booqday isbitalka Royal qeyb ka ahaa Zlatan Ibrahimovic oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu booqdo caruurta ku jira isbitalkaasi isla markaana waqti uu la qaato.

Ciyaartooyda Manchester United ayaa waxay leeyihiin qorshe sanadle ah oo marka ay soo dhawdahay ciida masiixiga lagu booqdo xarumo caafimaad waxaana booqashooyinkaasi soo agaasinta sanad walba hayada Manchester United Foundation.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lionel Messi oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay xulka Argentina

Messi oo 39 jir ah ayaa sheegay in go’aanka uu ahaa mid aad u xanuun badan, balse uu fahmay in waqtigii uu ka tagi lahaa xulka uu yimid.

  • Cayaaraha

    31-08-2026

  • 04:21PM

Guuldarradii Norway Kaddib, Neymar oo Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga ah

Waa gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka Brazil, isagoo jabiyay rikoor ay muddo dheer haysteen halyeeygii kubadda cagta Pelé.

  • Cayaaraha

    06-07-2026

  • 05:45AM