Cristiano Ronaldo oo qaaday tilaabo aan farxad galin jamaahiirta Los Blancos

Image

Gooldhaliyaha qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa la warinayaa in uu isugu yeeray qareenadiisa isla markaana uu kala hadlayo mustaqbalkiisa kooxda Los Blancos.

Xiddiga reer Portugal ayaa ka hadlay sida uu uga xun yahay xagaaga ka dib eedeymaha ka soo baxay arimaha canshuuraha, iyo sida kooxdiisa uu garabka kaga waayay.

marka laga soo tago eedeymaha Ronaldo shaqsiga kaliya ee Ronaldo garab istaagay waxa uu ahaa Zinedine Zidane laakiin maamulka Real Madrid ayaan soo fara galin dhibaatooyinkii Ronaldo.

Sida laga soo xigtay telefishinka Spanish El Chiringuito, Ronaldo ayaa ka fiirsanaya xulashadiisa hadii uu isaga tagayo kooxdiisa Los Blancos maadaama Ronaldo uu aaminsanyahay in kooxdan uusan ku dhameysan doonin mustaqbalkiisa ciyaareed.

Warbixinta ayaa sheegeysa inuu la tashanayo qareenadiisa islamarkaana uu weydiistay in ay la falanqeeyaan suurta galnimada uu baaqi ugu sii ahaan karo Madrid iyo halka uu caga dhigan doono hadii uu Real Madrid isaga dhaqaaqo.

Waqti xaadirkan, Ronaldo waa 32 jir qandaraaskiisa ayaa waxaa lagu burburin karaa lacag dhan 879 milyan oo ginni oo ka badan lacagta lagu bur-burin karo heshiiska Messi ee Barcelona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lionel Messi oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay xulka Argentina

Messi oo 39 jir ah ayaa sheegay in go’aanka uu ahaa mid aad u xanuun badan, balse uu fahmay in waqtigii uu ka tagi lahaa xulka uu yimid.

  • Cayaaraha

    31-08-2026

  • 04:21PM

Guuldarradii Norway Kaddib, Neymar oo Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga ah

Waa gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka Brazil, isagoo jabiyay rikoor ay muddo dheer haysteen halyeeygii kubadda cagta Pelé.

  • Cayaaraha

    06-07-2026

  • 05:45AM