Koobka Aduunka: Qadar oo kireysatay markab hotel ahaan u shaqeynaya

Image
Sidda lagu daabacay mareegaha internet-ka ee markabka MSC, qiimaha kiradda waa $470 qofkiiba iyo halkii habeenkii.

DOOXA, Qadar - Markab saddexaad oo nooca dalxiiska ah ayaa waxaa kireystay qabanqaabiyeyaasha Koobka Adduunka ee Qatar Isniintii shalay ahayd, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Sidda ay muujinayaan warbixinada, markabka ayaa loo adeegsan doonaa hotel ahaan waxaana dagaya taageereyaasha xulalka ka qeybgalaya koobka. Markabka ayaa ku xirtay Dekedda Dooxa.

MSC Cruises oo fadhigeedu yahay Geneva ayaa heshiiskan ku dhawaaqday lix todobaad oo kaliya ka hor inta aan la qorshaynayn in Koobka Adduunka uu bilaabmo 20-ka November, 2022.

Sidda lagu daabacay mareegaha internet-ka ee MSC, qiimaha kiradda waa $470 qofkiiba iyo halkii habeenkii waxaana kaliya qofka uu kireysan karaa ugu yaraan laba habeen oo kaliya.

Qatar ma laha huteelo badan oo ay dagi karaan dhammaan kooxaha, shaqaalaha, mutadawiciinta iyo taageerayaasha Koobka Adduunka, waxayna ay ku qasbanaatay in ay abuurto qolal dheeraad ah ayna kireysato maraakiibta.

MSC waxay hore heshiis ula saxeexatay dawladda Qatar 2019 si ay u siiso laba markab oo leh ilaa 4,000 oo qol oo ah huteello dulsabaynaya biyaha maadaama ay fileyso 1.2 milyan oo booqadayaal ah.

Qatar waa wadan ay Muslimiinta ku badan yihiin. Waxaa xadidan cabbitaanka khamriga iyo hoteelada raaxada, laakiin waxay fududeysay shuruucdeeda ganacsi ee xiriirka kubadda cagta dunida ee FIFA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta Falastiin oo loo diiday gelitaanka Mareykanka

Infantino ayaa toddobaadkan sheegay in FIFA ay isku dayday inay xaliso dhibaatooyinka la xiriira fiisooyinka.

  • Cayaaraha

    13-06-2026

  • 09:44AM

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM